Daabaco | Print |Fafin Alminhaaj.com Sunday, October 18, 2009 // 12 Jawaabood
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.
Maanta taariikhdu waa 18/10/2009. Waxaan Maqaalkan ku bilaabayaa inaan wax yar ka xusuusiyo akhristaha maqaalkii aan qoray 3/2/2009 (laba Maalin kadib markii loo doortay Sh. Sharif Sh. Axmad Madaxweynaha DKMG). Waxaa u dhexeeya maalintaas iyo Maanta 8 bilood iyo maalmo. Maqaalkaas oo aad loo fidiyey, waxaan filayaa inuu ahaa kuwii ugu horreeyey ee lagu soo dhoweeyo doorashadii Sh. Shariif, sababtana meeshaan ku sheegay, taasoo ahayd rajo in Ummadda Soomaaliyeed dhiigoodu ku badbaado, Muqdisha waxa ku harayna aaney dumin.
Waxaan Maqaalkaas oo kusoo baxay afka Carabiga 3/2/2009 ka fiiri halkan halku dheggiisuna ahaa: (Rajo…iyo..Cabsi..) waxaanan ku bilaabay: (Waxaan u rajaynayaa Sh. Shariif Sh. Axmed inuu ku guulaysto xilka cusub ee Madaxweyne nimada Jamhuuriyadda Soomaaliya….Waxaan Sheekha iyo kooxda la shaqayneysa u rajaynayaa iney ku guulaysteen iney si wanaagsan u maareeyaan xaaladda siyaasad iyo ammaan ee Soomaaliya ee murugsan..Iney ka gudbaan mashaqooyinka siyaasadda caalamka iyo gobolka ee ku xeeran qadiyadda Soomaaliya ee raagtey..Iney ka boodaan godadka abeeso, iyo mugdiyada mushkilada soomaaliyeed..Hase yeeshee waxaa igu jirta cabsi weyn in Sh. Shariif ku turun turoodo lugtuna ugu dhacdo god ka mida godadkaas mugdiga ah, sidaa darteed waxaan u dar daarmayaa isaga iyo ragga la shaqaynayaba Cabsida Alle, (Ruuxii Ilaahay ka baqa dhib kasta wuu ka samatabixiyaa) waxaan u dar daarmayaa inuu Ilaahay aad u baryo, gaar ahaan habeenka mugdigiisa, Ilaahay kaalmaysto oo ku tiirsado la tashiga Alle iyo dadka wax wiidiintooda ka dib, (Qofkii Ilaahay talada saarta Ilaahay baa ku filan).
Waxaan Maqaalkaas ka codsaday ragga kasoo horjeeda iney saaxiibkood fursad siiyaan, haddii wexey sheegayaan rumoobaanna ammaan bey mutaysanayaan, eedina raaci meyso, dadka iyo dalkuna waa nabad gelayaa, haddeey sidey sheegayaan noqon weydana gaf iyo gabood fal ayey ka badbaadayaan. Waxaanse ku daray:
(( Waxaan ka codsanayaa iney Maslaxadda dadka iyo dalka ka hor mariyaan tartanka loolanka siyaasadeed, iney saaxiibkood wadahadal la galaan, sidii dalka nabad iyo degganaan iyo midnimo loogu soo dabbaali lahaa. Shacbiga Soomaaliyeed ogaantay weli cid ma dooran, hase yeeshee wuxuu aad ugu taamayaa raja kasta oo ay kasoo bidhaameyso xasilooni iyo degganaan. Madaxweynahana waxaan ka rajaynayaa inuu ragga saaxiibadiisa ee kasoo horjeeda la hadlo, soo dhoweeyo, talada ka qayb geliyo..Sidaasu waa rajadayda..Hase yeeshee waxaan dareemayaa cabsi aad u weyn, in ragga Shariifka kasoo horjeedaa isu arkaan iney ka mudanyihiin madaxnimada, beerta faleen oo ay maanta sugayeen iney dalaga goostaan..Waxaan aad uga cabsi qabaa iney dagaal la galaan, waayo wexey u arkaan inuu ka dafay mirihii halgankooda, qaarkoodna waaba gaalaysiinayaan, madaxweynahana waxaa taageeraya waxa loogu yeero Beesha Caalamka oo danayneysa iska hor imaadka oo ku kaalmayneysa la dagaalanka dadka kasoo horjeeda Dawladda iyo Qaanuunka, dabadeedna dalku galo dagaal cusub Ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu muslimiinta shartiisa ka badbaadiyo..Waxaan rajaynayaa in wadaadada Soomaaliyeed soo gaaraan heerka Loolanka adduunka iyo Gobolka iyo Arrimaha horyaal, iyo dhibaatada haysata dadkooda iyo dalkooda, Hase yeeshee markaan dhegeysto waxa ka baxaya warbaahinta iyo Amiirrada cusub, waxaan dareemayaa cabsi aad u weyn, iney nagu soo fool leedahay, maalma aad u mugdi badan, oo laga yaabo iney dadka xusuusiyaan maalmihii ay dalka ka jireen hoggaamiye kooxeedyadii beelaha ku dhisnaa)).
Waxaan filayaa wixii aan ka beqeyney waa dheceen. Dagaaladii xamar ka dhacay iyo kuwa hadda socdaa, waxaan filayaa iney dadka xusuusiyeen hoggaamiye kooxeedyadii galbaday. Waxaaba kasii daran, in kuwanu diin huwan yihiin, magicii diinta iyo dadkeedana meel xun uga dheceen.
Mudadii u dhexaysey 3 ilaa 15 Feb 2009, waxaan ku qoray afka carabiga 7 maqaal oo isugu jira soo dhowayn, rajo, cabsi, dardaaranno, talooyin, si toosa ugu socdey ragga wadaadadaa ee ku loolamaya siyaasadda Muqdisho, iyo 10 maqaal oo afka soomaaligaa ku qoran oo ku soo baxay Somalitalk iyo bogag kale, intuba wexey ahayd tusaalayn iyo talooyin gaar ahaan DKMG, oo aan kula taliyey: Beesha caalamka inaaney isku hallayn, ciidankii xoogga dalka in la dhiso bilaha u horreeya si ciidamada ajnebigaa laysaga saaro, Muslimiinta iyo carabta in wufuud deg dega kor iyo hoos loo dirsado si looga kaaftoomo mushaaharooyinka UN iyo EU, iyo arrimah badan oo aan u arkayey (strategic) iney yihiin,Ka fiiri haddaad u baahatohttp://www.somaliatodaynet.com/news/index.php?option=com_content&task=blogsection&id=15&Itemid=42
Waxaanse filayaa wixii talooyin laysugu dhabar jebiyey ragga isu muuqda, ee aan arkayn dal iyo dad toona, inaaney waxba kasoo qaadin. Natiijadiina waxaan filayaa iney maanta hayaan.
Hadaba ma dhici kartaa iney maanta garwaaqsanayaan wexey shalay ka madax adaygeen, mise waa sidii soomaalidu u tiri: Rag iska Dhici iyo Rabbi ka baq meel ma wada galaan.. oo Ragga xitaa haddii sawaabku maanta u bidhaamo wexey ka xigaan iney jidkii hore ku madax adaygaan?
Ma dhici kartaa in ragga qaarkiis maanta garwaaqsado wixii talo culimo siineysey, ugu horrayn isaga dan u ahayd, dalka iyo dadkana maslaxa u ahayd, dhiig badan oo soomaaliyeedna ku baaqan lahaa?
Ma dhici kartaa ragga qaarkiis maanta inuu garwaaqsado inuu maalintii nabad iyo wadahadal inuu ku dhawaaqo laga filayey dagaal cusub ku dhawaaqay, fidna weyn horkacay, tala badan oo la siiyey ka madax adaygay, sabab u noqday dagaal iyo dhiig soomaaliyeed iyo barakac nus malyuun Soomaaliya mira qadhaadhna maanta laga guray?
Ma dhici Kartaa ragga qaarki iney garwaaqsadaan – anaa keligay talinaya – mashaqa aan maara loo helayn iney tahay, sida ay sax u tahay in Ilaahay dartiis loo dhintana, iney sax u tahay in Ilaahay dartiis loo noolaado? Dawlad iyo nidaam iyo kala dambayn in la helaana arrin shareecada daruuri u ah ay tahay? Shareecada in la hirgeliyaana xuduuda keliya aaney ahayn, balse waxyaabaha ugu muhiimsan shareecada ay ka mid tahay Naf in la nooleeyo, miskiinka la quudiyo, agoonka la kafaala qaado, kii aan shaqa haysan maamulku waxa soo gala wax kasiiyo, dugsiyada wax barashada la furo, cisbitaalka dadka lagu daaweeyana la taago, jidkii dadka iyo daabaduhu mari lahaayeenna la hagaajiyo.
Ma dhici kartaa in ragga qaarkis maanta garwaaqsado Dawladnimada dhabta ahi iney taallo dalka gudihiisa, la hadalka iyo wax la wadaagga Soomaalida qaybeheeda kala duwan, wax qabadka iyo wax u tarka dadka Soomaaliyeed ee dhibban iyo kasbashada taageerada dadka iyo dhulka, ee aaney jirin Newyork iyo Addis ababa iyo Tripoli, iyo Nairobi? Ma dhici kartaa ineey maanta Garwaaqsadaan in Beesha Caalamku Riwaayad tahay, Ciidama shisheeyana dhibaata uun siyaadinayaan, Mushaaraad laga sugo UN iyo EUna ay maalin walba Dawladnimada hoos u wiiqayaan, wexey u geysanayaanna ka badantahay wexey taraan?
Ma dhici kartaa in ragga beryahaan shaashadda saarnaa Maanta garwaaqsadaan inaan midna keligiis wax noqon Karin, kuwa kalena daaqadda ka saari Karin, in wax la wadaago oo lagu heshiiyana maslaxadda dadka iyo dalka iyo tooda shakhsi ahaaneed ku jirto?
Ma dhici kartaa iney maanta garwaaqsanayaan in fursad aad u yari u harsan tahay, hadeeyba harsantahay, fursaddaas laysku daba qaban karaana laga yaabe maalin dhow inaaney jiri doonin oo shaashada ay ka bixi doonaan iyagoon wax abaala loogu hayn, balse habaarka Soomaalidu daba socdo.
Ma laga yabaa ragga meesha cidladaa ku loolamayaa iney maanta garwaaqsadaan dareenka dhabta ah ee shacbiga Soomaaliyeed siduu u badan yahay ka qabo. Waxaan khasaara ahayn uma kordhineyso lataliyayaal xun oo waxaan jirin u sheega. Dadka Soomaaliyeed ee daadsan ceelasha biyaha, geedaha hoostooda, kuwa cisbitaalada daadsan, kuwa naafadaa iyo kuwa agoontaa, kuwa qaxay iyo kuwa badaha ku haftay, iyo soomaalida filimkan xun daawaneysa oo dhami meel kastoo ay joogto waxaan hubaa inaaney in yar oo qaddarina, ama kal gacala, ama caadifad ah, ama taageera ah, u hayn ragga dhiigooda iyo sharaf dhocooda, iyo baaba’ooda ku loolamaya. Waxaan hubaa inaan dadka Soomaaliyeed sey u badan yihiin maanta in yar oo raja ah ama qadarina u hayn DFKM iyo Kuwa kasoo horjeeda, iyo hogaamiyayaasha maleeshiyaadka cusub, ee marba dhinac ku biiraya, taageeradooduna sida dabaylaha isu bedesho. Waxaan hubaa in dadka Soomaaliyeed seey u badan yihiin ka niyad jabeen 9kii bilood ee dambaysey dhinacyada ku loolamaya xabaalaha Muqdisha iyo hareereheeda.
Ma laga yaabaa, in dareenkaa yare e wax lagu garwaaqsadaa weli dadkaan ku haray, mise isaguna waa dhintay sida wax badani u dhinteen, sidaa darteed, oohinta iyo ciilka shacabku wexey la tahay damaashaad iyo sacabtun. Dhiigga daadanayaana wuxuu la yahay biya xareeda oo hortooda maray. Alalaadka iyo taaha ka baxayaa dhaawaca iyo naafada iyo agoonta iyo qaxootiguna wuxuu la yahay heesta macaan ee sanadka 2009 soo baxday iyo Muusiiqadii hoballada waaberi!!
Ma laga yaabaa ragga qaarki iney garwaaqsadaan, Beesha Caalamka la sheegayaa iney wixii daciifa kusii joogsato, oo aaney qaddarin, cid aan shacabkeedu qaddarin, taageerana inaaney siin cid aan dadkeeda iyo dalkeeda taageera ka haysan, dhulkiisa iyo dadkiisa dhexdooda nimaan xorriyad u marikarinna inaanu beesha caalamka ee la sheegayo inaano waxba ugu fadhin.
Ma laga yaabaa ragga qaarki iney garwaaqsadaan iyagoo diin iyo naxariis laga sugayey iney sabab u noqdeen dagaala badan, dhiig badan oo daatay iyo dad badan oo qaxay? Ma laga yaabaa iney garwaaqsadaan dadka ay leeyihiin gaaley u galeen iney iyagu ku tir tirsiiyeen, godadka abeeso iney galaan oo bahala miciin bidaanna iney iyagu ku khasbeen,?
Ma dhici kartaa iney garwaaqsadaan qofka qof kale sabab ugu noqda ama ku tir tirsiiya inuu dembi ku dhoco, inuu dembiga la wadaago, maadaama Shareecada Islaamku tix geliso ficilka iyo asbaabtiisa, qawaacidda sharcigaana ay ka mid tahay, (qofka ficilka sameeya iyo kan sabab ugu noqdaa isku si ayey natiijada u qaadaan) iyo sidoo kale qaacida sharciya oo iyana oraneysa (cawaaqibta arrintu ku dambayneyso in laga fekero sharcigu tixgelin ayuu siinayaa). Ma laga yaabaa marka iney garwaaqsadaan, ninkii xabashi u cararay, iyo kii UN miciin biday, iyo kii EU gacanta u hoorsaday, iyo kii Beesha Caalamka isu dhiibey ee nacashka ay ku qaadatay, iyo Madaafiicdii AMISOM dadka ku xasuuqday intaasba inuu kii sabab u noqday qayb ku yeelanayo dembigeeda, maxaa yeelay sidaan sheegnay ficilka kan sameeya iyo kan sabab ugu noqdaa dembiga waa wadaagaan. Adigu dhib inuu ku gaaro waad u dulqaadan kartaa, naftaada xor ayaad u tahay, laakiin qof kale oo Muslima dhib inaad u soo jiiddo xor uma tihid, xaqna uma lihid. Dhibaata ku sabir inaad ku tiraahdana xaq uguma lihid haddaanu isagu awoodin ama diyaar u ahayn.
Hadal iyo gunaanadki, waa laga yaabaa iney raggaasu garwaaqsadaan arrimahaan sheegay ama qaarkood..Waana sidaan aad u jeclaan lahaa.. hayeeshee ma muuqato calaamad tilmaameysa iney garwaaqsanayaan ama xitaa u dhowyihiin.. Waxaana u daliil ah nimanku waxaan ummadda Soomaaliyeed u muuqan ayaaba iyaga u muuqda. Haddaad Warbaahinta dhegeysatana waxaad labada dhafoor la qabsaneysaa yaab iyo amakaag.
Balse aan dhawro inta fursadda yare ee gabaabsigaa ay dhamaysanayaan, wax walbaana wixii Ilaahay u qaddarey ma dhaafayaan, si kasta oo aad isugu dhabar jebiso, wixii noolina wax badan waa arkayaa.