Munaasabada oo ahayd mid abaal marino kala duwan lagu gudoonsiinaaay Ardayda kaalimaha sare ka galay imtixaanka koowaad ee sand wax barasheerdka 2014-2015 Ee Machadka Ibnu xajar Al casqalaani Ayaa manta lagu qabtay Masaajika Al -Rowda Ee Magaalda Bosaso Oo Xarun U Ah Gobalka Bari.
Waxaa ka qaybgalay Munaasabda oo ahayd mid balaaran ,Maamulka Macadka ibnuxajar ,Madaxda Mu’asada Al Minhaaj, Culumo Awdiin,Waalidiin , ganacsato iyo Ardayda Wax kabarta Macadka Ibnu Xajar
Maamulaha Macadka ibunu Xajar Al Casqalaani Sh.siciid cusmaan yusuf Oo Munaasabada Daah furay Ayaa hambalyo uu ujeediyay Aradyda Kadib , Waxa uu ka hadlay taariikha Macadka ibnu xajar Iyo daruusta kala duwan ee lagu barto
“sidaad ogtihiin Macadkan ibnuxaja Waxaa la aas-aasay sandka markuu ahaa 2006-2007, Waxaa ka qalin jabiyay ilaa iyo hada 13 –dufcadood ,xarunta ugu wayn Macadka ibnuxaja waxay ku taalaa bosaso ,haduu ale idmana waxaa dhawaan nooqorshaysan in aan furo xarumihii gobalada” ayuu yire Sh.siciid cusmaan yusuf
Gudoomiye ku xigeenka Mu’ asasda Dacwada iyo hormarinta ee Manhaaj Ciise siciid Maxamed Ayaa Ku Amaanay Maamulka Iyo Marayaasha dugsiga ibunu xajar howsha Adag ee uyahaan Bulsha , Wxaan uu kula dar daar may in ay sii laba Jibaaraan Dadaalkoodda.
Sheekh Axmed cabdi Samad oo kamid ah culumada somaaliyeed , Ahna gudoomiyaha raabidada macaahida soomaaliya Ayaa dhankiisa hambalyo ujeediyay ardayda , waxaana uu kula dar-daarmay inay siiwataan waxbarasha.
mahad salaad cabdi oo Kamida waalidiinta Aradany Ayaa kula dar daarmay arday in ay ka muuqato cilmigii labaray, Asagoo Aamaanay Dadkii howshaan Soo Qaban Qaabiyay.
Gabagabadii Munaasabda Waxaa Abaal marino iyo Shahaado Sharaf lagu doonsiiyay ,qaar Kamid Ah waalidiinta ,Barayaasha Macadka iyo Ardaydii kaalimaha sare kagalay Imtixaanka koowaad ee sanad dugsiyeedka 2014-2015 Ee Mac hadka Ibnu xajar Al casqalaani
sikastaba ha ahaatee Machadka Ibnu xajar Al casqalaani oo kamid macahiida ku yaal puntland ayaa sandka ardayda wax kabarta waxay ka heleeno deeq waxbarsho dalka sucuudiga iyadoona ay dhawaan sida la rajaynayo ay tagayaan dufcadii ugu horaysay ee waxbarasho utagta dalka sucuudiga.
Maamulka machadka ibnu xajar
Bosaaso