+252 90 7798232 [email protected]

Kn: Waa habayn barkii xili uu aadanuhu intiisa badan hurdo , Telifoonkayga oo aan inta badan habaynkii damin jiray dhawaaqay , Ilaahay amarkii habaynkaas waan iloobay inaan bakhtiiyo , anigoo naxsan ayaan durba qabtay , waa qofma , markiiba waxaa ila hadlay wiil aan adeer u ahay oo aad moodo inuu ordayo sina codkiisa hoos ugu dhigayo , wuxuu yiri adeer waa Muuse , waxaan caawa kuusoo wacay xiligaan danbe inaan ku mac salaameeyo , waan baxayaa ilaahay ayaana garanaya inaan dib isu maqli doono .

Adeer macaane marka hore Dukaanka reer Xaaji Guure waxaan shalay ka qaatay adeeg, lacagta aan Mobilkaaga kusoo shubay waxay leeyihiin 9 Doollar ,30 Doolar iskoolka ayaa leh, inta kalana waxaad siisaa agoonta ilma Guutaale, anigoo dhaka faarsan marna moodaya inaan riyoonayo ayaan iri adeer xageed ku socotaa xiligaan danbe , wuxuu yiri adeer markuu waaga Baryo hadduu ilaahay yiraahdo akhriso warqadda aan kuugu soo dhiibay een laguu keeni doono khayr ayaana kugu dhaafay salaan iga gaarsii walaashay Farxiya Nabad galyo Insha allaah .

Telifoonkii ayaan ku celiyay mise wuu dansan yahay , anigoo yaaban kuna qanac sanaa inuusan Muuse ahayn dhalinta Shabaab u dabac san isla markaana og siduu uga fakarayay Gabadha kaliya ee qoyskoodii shisheeyaha iyo sokeeyuhu kala gaabiyeen ka hartay ayaa waxaa durba iisoo dhacay fariin gaaban oo telifoonka Wuxuu yiri ( adeer ilaahay ayaan kudu dhaarinaye markaad akhrisato waraqadda jeex jeex ) Dhaka faar ayaan la seexan waayay, waxaan sugi waayay intuu waagu baryayo iyo qofka keeni doona warqadda uu Muuse iisoo qoray asagoo magaalada ila joogo waliba gurigayga ku nool.

Ma aadin dukaankaygii , anigoo gurigayga hortiisa fadhiya ayaa waxaa isoo maray caruur iskool u socota mid ayaa inta soo orday yiri adeer buuggaan Muuse markuu soo boxo siih wuuna sii orday , Buuggii ayaan agtayda dhigay anigoon dan iyo muraad ka lahayn Buuggan jaan ee kuraygi la ordayo , markaan xoogaa joogay ayaan buuggii kala bixiyay waxaa dhabtayda kusoo dhacay waraaq boqshad ku xiran , naxdin ayaan la qaboobay anigoon dhinacna eegin ayaan qolkaygii hurdada dalaq iri hoosna kasoo xirtay , warqaddii ayaan furay , wuxuu ku billaabay sidan .

Adeer salaan kadib Geeridu mar bay dhaantaa Nolosha qaarkeed , Xamar joogisteeda Aakhiro ayaa noo dhaanta aniga iyo walaashay , waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal fiican iyo nolol aan calool xumo lahayn , waxaana rajaynayaa inaad fahmi doontid sababta aniga iyo walaashay Muna nagu kalifay inaan adduunka isaga tagno waana sidan: Adeer anagoo iskoolka u socona ayaa waxaa wadada noo istaagay baabuur ay watteen ciidanka dawladda waxaa nala geeyay xero ciidan , labadanadii ayaa waxaa nalagu xiray hal qol waxaa noo yimid laba nin ood taqaanay waa ……… waxay ii xireen gardaduub xabadka ayay dhulka ii dhigeen ayagoo dil iyo cay isugu kay daray , Adeer waxaa hortayda lagu fara xumeeyay walaashay . anigoo nolosha ka quustay ayaa nalagu soo qaaday gaari yar oo Kaarib ah waxaana nala dhigay Tarabuunka agtiisa, Adeer dhacdadaas waxaan kaaga qarinay go,aan kanaga oo ahaa aar gudasho .

Adeer waxaan aniga iyo walaashay goosanay inaan aar gudanno , waxaan dil toogasho ah ku dilnay 2 dii Sakaal ee walaashay fara xumeeyay waxaanse ogaanay inaysan Dunida qiime noo lahayn wixii nagu dhacay dartoodna aan uga tagno Adduunka sharafkanaga dhaawacmay , oo ay dhaawaceen ciidankii dhawri lahaa , waxaan maanta wada jir warqaddaan kuugu soo qaray caruurtaad adeerka u ahayd oo dhibaatada gaartay ay ku kaliftay inay hub qaataan , adeer markaad maqasho geeridanada ha ka xumaan , waxaa kasii xun inaan maalin walba hoos u ooyo, walaashayna ay murugo iyo calool xumo ku noolaato , Inaan nolosha ka harno , inaad waalli xargo guriga kuugu xirnaano , Adeer waxaan u dhimanaynaa sharaftayada , waxaana wanaag oo dhan ka rajaynaynaa eebbaha wayn Nabad Galyo .

Labadaas cardunka ah oon nolosha intii ugu kharaarka badnaa lasoo maray aabbe iyo hooyo la’aan aan kusoo koriyay waxay ka mid ahaayeen dhalin yaraddii fuliyay mid ka mid ah duullaanadii shabaab ay ka fuliyeen Geeska Afrika ku naf waayay , waxay iiga tageen tiiraanyo iyo calool yoow dheeraad ah , Aabohood waxaa dilay Ciidamadii Itoobiya ee xamar xasuuqa ka gaystay asagoo Rooti miis ku gadaya , Hooyadood Rabbi ha u naxariistee waxay ka mid ahayd dumarkii hilibkooda la waray Suuqa dahabka ee Bakaaraha dhammaadkii qarnigii tagay , dagaal huriyihii Hooyooyinkaas mariyay maanta caleemo qoyan ayaa loo ruxayaa oo waa geesi Qaran .

Haddii aan laga hortagin Falalka foosha xun ee ay Mooryaanta Marada Ciidan loo xiray ay ku kacayaan , shaki kuma jiro inay dhalin badan carada iyo ciilka la baday ay ku kici doonaan Falal galaafta qaar badan oo aan wax galabsan