Maalinimadii Talaadaad ee ay Taariikhdu ahayd, 17/02/2015, ayaa waxaa igu soo booqday Xafiiskayga Machadka Khadiija, ee Magaalada Garoowe, oday waayeel ah, oo Maigiciisa iigu sheegay Axmed Yuusuf Jaamac(Dooxajoog) wax yar kadib waxaa na dhexmaray waraysi kooban, kaasoo Odagu iigaga waramayey Taariikhdiisa oo kooban, hadaba Oday Axmed oo ii waramaya ayaa ii sheegay sidan:
Magacaygu waa: Axmed Yuusuf Jaamac(Dooxajoog), waxaana jiraa 89-sano, waxaan ku dhashay Goobta ay hadda ku taallo Magaalada Garoowe oo markaas ahayd meel baadiye ah, oo waxaana joogay oo keli ah Askar Talyaanigu lahaa, xilligaygii hore waxaan ahaan jiray nin Reer miyi ah ilaa hadana Xaaskaygii hore iyo Ciyaalkaygii way daganyihiin, kadib waxaan soo galay Magaalada aniga oo waayeel ah Qur’aanka waxaan bilaabay aniga oo 75-sano jir ah, waxaana dhameeye markii aan jirey 80-sano, kadib waxaan bilaabay Raacashada Cilimga Hadda waxaa ii dhammaaday kutubta kala ah, Arbiciin, Al-Nawani, Safiinatu-salaat, Abii shujaac, Tafsiirka Qu’aaka oo markii labaad aan wado, waxaan hadda wadaa labada kitaab ee kala ah: Saxiixul Bukhaari, iyo Fiqhul muyasar.
Mr: Dooxajoog oo markii aan kulanay gacanta ku watay labada kitaa ee kala ah, Mukhtasaru Saxiixul baukhaari iyo Fiqhul Muyasar, ayaa weydiiyey Hanka ku jira iyo halka uu Hiigsanayo, wuxuuna si fudud iigu jawaabay “Cilmiga waxaan wadayaa ilaa inta aan noolahay”– (الله أكبر) waxaan aad ula yaabay Hanka ku jira iyo dadaalka uu bixinayo iyo Da’da uu marayo, isaga oo Madaxa lagalay Sanaddii Sagaashanaad, waxaan sidoo kale layaabay Hanka ku jira iyo kan ku jira Da’ yarteena oo qaar badan oo ka mid ah isdhiibaan iyaga oo aan wax Cirro ah madaxooda kasoo bixin.
Ninkan odaga ah oo Xogtiisa hoose aan baaray ayey ii sheegeen qaar ka mid ah walaalaha ka warhaya xaaladiisa, in uusan Magaalada reer iyo ehel kale toonna ujoogin balse waxa uu ku tiirsanyahay uu yahay in hadba markii uu Bilo jooga uboxo Miyiga oo reer udagan yahay kanasoo kaxaysto dhowr Neef oo Ari ah kadibna markuu iibsado uu Magaalada iskaga celiyo.
Run ahaantii waxaa Cajiib ah, in Ninkan odaga ah oo reer miyiga ah, oo Cimri ahaan madaxa la galay Sanaddii Sagaashanaad, oo Saboolka ah, uu ku guulaystay in uu quraanka iyo Tafsiirkiisaba dhameeyo, Cilmiga kalana Raacdo oo hadda u gudbo in uu dhexgalo kutubta waaweyn sida: Bukhaariga, Iwm.!!. Hadaba aniga oo udayn doona Akhristayaasha in ay arrintan fikirkooda ka dhiibtaan, ayaan doortay in aan idinla wadaago waxa iiga soobaxay arrintan oo ah sidan:
- In barashada Qu’aanku in aysan Da’ ku Xirnayn.
- In ay dhab tahay in Quraanku yahay mid ay baran karaan waayeelka iyo dhallinyaraduba, balse u baahanyahay Dadaal iyo daacanimo.
- In raacashada Cilmigu ay tahay shaqo ay awoodi karto cid kasta oo ay ka go’an tahay barashadiisu.
- In diinta Ilaahay ay tahay mid uu baran karo 90-jir Sabool ah.
- in uu yahay waxa Guusha Xaqiijiya Han sare, Niyad wanaag, iyo Dadaal, balse aysan ahayn Dhallinyaranimo, dhaqaale la haysto, iyo Laandheeranimo.
Gabagabadii waxaan Akhyaarta udaynayaa in ay Fikirkooda ka dhiibtaan. aniga oo ka codsnaya in ay usoo duceeyaan, ayna udhahaan (ماشاء الله)
Muktaar Axmed Faarax
E-mayl: [email protected]