+252 90 7798232 [email protected]

Xafladaan oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay  ayaa imaanaysa kadib markii 3maalmood oo xiriir ah ay qaateen dowro dhinacyo badan taabanaysa waxaana  casharada bixinayay Culima Awdiin caan ku ah faafinta dacwada iyo Dhaqanwanaaga.

Waxaa mudadii uu soc day Tababarkaan dumarkii loo qabtay ay ka heleen cilmi kaladuwan oo dhaxal gal ah  waxaana  kamid ahaa  casharadii ay qaateen Gabdhaha katirsan Xafiiska Dumarka ee Mu’asasada Alminhaaj garowe

  • Sidee kunoqonkartaa qof umadda anfaca islamarkaana noqda daaci dhab ah .
  • Hogaaminta .
  • Ladhaqan ka bulshada
  • Maaraynta waqtiga
  • Maamulida shirarka & Maaraynta Dhaqaalaha
  • Sida lagu abuuro mashaariic umada waxtarta .

 

dumarkii loo qabtay tababarka ayaa qiray in ay barteen  cilmi dhanwalba saamaynaya waxayna balan qaadeen in ay gudbindoonaan cilmiga ay barteen waxayna mu,asasada Al-Minhaaj Ugamahadceliyeen dadaalka ay kujiraan iyo horumarka ay gaarsiiyeen bulshada dhanwalba .

 

Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax Gudoomiyaha golaha fulinta Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka nugaal oo goobta kahadlay ayaa sheegay in ay tahay tanta lagalahaa tababarkaan ay tahay in lahelo bulsho dhan walba kadhisan islamarkaana noqdo kuwa khayrka isku kaashada waxaana uu gudoomiyuhu balanqaaday in ay siiwadi doonaan tababarada noocaan oo kala ah .

 

Waxaa isna dhankiisa kahadlay Gudoomiyaha Xafiiska Dacwada iyo Tacliinta Ee Mu’asasada     Al-Minhaaj Macalin Mukhtaar Maxamud Maxamed  waxaana dumarka ugu baaqay in ay kahortagaan falalka anshax xumadaa ee kusoo badanaya  garowe  islamarkaana ay noqdaan kuwa lagudaydo  oo bulshada gaarsiiya cilmiga ay barteen  si loohelo bulsho kanabad gala fitanka socoda .

Sheekh Cabdirizaaq dahabi oo kamid ah culimada kawada  xalaqaadka cilmiga sharcigaa magaalada garowe ayaa kutilmaamay fursadaan in ay tahay mid qaali ah waxaana uu dumarka kacodsaday in ay siiyaan dumarkakale ee aan helin fursadaan tababar noocaan ah.

 

Ugu danbayn tii waxaa halkaas lagugudoon siiyay shaadooyin xaqiijinaya cilmigii ay barteen gabdhuhu iyo in ay mudan yihiin in ay faafiyaan cilmigii ay qaateen ,

Nuur Jaamac Aadam

Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland.

 

vlcsnap-2015-02-28-19h33m04s120 vlcsnap-2015-02-28-19h33m18s2 vlcsnap-2015-02-28-19h33m32s135 vlcsnap-2015-02-28-19h33m58s142 vlcsnap-2015-02-28-19h34m23s138 vlcsnap-2015-02-28-19h34m36s12 vlcsnap-2015-02-28-19h34m44s92 vlcsnap-2015-02-28-19h34m56s208 vlcsnap-2015-02-28-19h35m18s172vlcsnap-2015-02-28-19h32m58s54 vlcsnap-2015-02-28-19h35m32s61 vlcsnap-2015-02-28-19h35m38s119 vlcsnap-2015-02-28-19h36m29s117 vlcsnap-2015-02-28-19h36m43s1 vlcsnap-2015-02-28-19h36m51s77 vlcsnap-2015-02-28-19h37m15s64 vlcsnap-2015-02-28-19h37m31s223 vlcsnap-2015-02-28-19h37m56s222 vlcsnap-2015-02-28-19h38m13s139 vlcsnap-2015-02-28-19h38m36s111 vlcsnap-2015-02-28-19h38m54s29 vlcsnap-2015-02-28-19h39m09s187 vlcsnap-2015-02-28-19h39m36s199