+252 90 7798232 [email protected]

Kulan cilmiyeed kaan  ayaa kabilowda Caawa oo Taariikh dutahay 03/03/2015 Masjidka  weyn ee Al-Huda Magaaladda  Garowe waxaana  lagu wadaa in uu socdo mudo 3habeen ah mudadaas Kabon  waxaa culimadu bixin doonan duruus muhiim U,ah bulshada  waqtigaaan.

waxaana  caawa habeen kii 1Aad kagalay labada sheekh eek ala ah Sh.Maxamuud Xaaji Yuusf & ShC/qani qorane Waxaana qaybta hore galay Sh.Maxamuud Oo soo jeedshay Darsi uu ciwaan ugadhagay . ( فقه  الخلاف واصلاح ذ١ت البين) waxaana Sheekhu aad ugu dheeraaday baahida bulshadeenu uqabto in ay barato sida looga hortago khilaafka iyo sida haduu dhaco loo xaliyo .

Sheekha oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri waa in soomaalidu ka tanaa sushaa aqliga ah hadaan isqabano waan kalatagaynaa ama muxuu iiga gar helay taas oo sheekhu sheegay in ay tahay waxa soomaalida halkaas dhigay .

Waxaana sheekhu balshada ugu baaqay in lagu midoobo kitaabka Allah Iyo Zunada

islamarkaana qofkii dhib kaga timaado wallalkiis udulqaato islamarkaana iska cafiyo  hadii taas lahelo waxaynu gaaraynaa horumar aduun iyo mid aakhiro  sheekha oo hadalkiisu umuuqday Dardaaran guud  ayaa ahaa mid soo jiitay boqolaal dadweyna ah oo kusugnaa Masjidka Iyo kuwa kala socday Idaa cada Al-Xikmad Dhamaan Deegaanada Puntland sidoo kale waxaa caalamkoo dhan lagadhagaysanayay www.Halgan.net Qaybtiisa Tooska utabisa Khayrka.

Waxaa darsiga qaybtiisa danbe galay Sh.C/qani Qorane waxaana sheekhu aad u kaladhigay Mowduuca Ciwaankiisu yahay (الغلو في الدين) mowduucaan oo ahaa mid saamayan weyn kuleh maantay guud ahaan caalamka islaamka gaar ahaan umada soomaaliyeed maa daama ay badatay in qofwalba qofkuu rabo sifudud u gaalay siiyo waxaana sheekhu tusaale usoo qaatay Daacish iyo Alshabaab oo dhamaan bahwadaag la,ah Alqaacida waxaana uu kutilmaamay in ay yihiin kuwa xadgudbay waxaa sidoo kale sheekhu tusaale u soo qaatay ninka waalan ee Xasaan Xuseen oo isagu jeebka ay ugu jirto gaalaysiinta bulshada soomaaliyeed Cilimo iyo caamo waxaana uu sheekhu ku til maamay nasiibdaro in arinkaan oo ah mid aad u adag islamrkaana Awoodiisu Eebe kaliya uu leeyahay Sifudud  loo adeeg sado.

Isku soo wada duuboo mudada 3habeen ah waxaa kaqay qaanaya  Qaybo kamid ah Culimada Soomaaliyeed Waxaana kamid ah Culimada kaqayb galaysa.

  • Sh.Maxamuud Xaaji Yuusf
  • Sh.Axmed Cabbdi Samad
  • Sh.C/qani Qorane
  • Sh.Mukhtaar Axmed Faarx
  • Sh.C/rizaaq Suldaan (Dahabi)

Waxana habeen danbe loo balan san yahay Darsiga labad Iyo Labada Sheekh  Sh.Mukhtaar Axmed  iyo Sh.Cabdirizaq dahabi.

Daawo Darsigii Sh.C/qani Qorane .(الغلو في الدين)

Dhaawo Darsigii Sh.Maxamuud Xaaji Yuusf . ( فقه  الخلاف واصلاح ذ١ت البين)

 

2015-03-02 18.31.01 2015-03-02 18.31.18  2015-03-02 18.31.31 2015-03-02 18.31.36 2015-03-02 18.31.44 2015-03-02 18.31.49 2015-03-02 18.55.10 2015-03-02 18.55.16 2015-03-02 18.56.29 2015-03-02 19.21.34 2015-03-02 19.46.17 2015-03-02 19.46.23 2015-03-02 19.46.31 2015-03-02 19.46.37 vlcsnap-2015-03-03-10h38m54s197 vlcsnap-2015-03-03-10h39m02s18 vlcsnap-2015-03-03-10h39m17s169 vlcsnap-2015-03-03-10h39m22s222  vlcsnap-2015-03-03-10h49m14s249 vlcsnap-2015-03-03-10h49m17s30 vlcsnap-2015-03-03-10h49m29s149 vlcsnap-2015-03-03-10h50m20s147 vlcsnap-2015-03-03-10h50m26s205 vlcsnap-2015-03-03-10h51m00s32

 

Nuur Jaamac Aadan  Xafiska warbaahinta Al-Minhaaj Puntland.

Email: [email protected]

Tell: +252907723014