+252 90 7798232 [email protected]

Boosaaso: Munasabad aad loo soo agaasimay oo ahayad mid lagu sagootinaayay dufcadii 2- aad ee ka qalinjisay machadka barshada Culuumta sharciga iyo luuqada carabiga ee Ibnu Qayim Al-Jowsiya Ayaa lagu qabtay hoolka shirarka Amal Palaza ee maagaalada Bosaso ee xarunta Gobalka bari.
Munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay maamulka machadka Ibnu Qayim Al-Jowsiya , ardayfda waxkabarata machadkaasi, Hormuudka kuliyada shareecada ee jaamacad bariga africa,Culima owdiin ,waaalidiin ,Haween iyo marti shafar aad u tir badan .
Aayado Qur’aan ah markii xafladda lagu furay kadib waxaa kalmad wacdi ah ka soo jeediyey Sh. C̷/raxmaan bukhaari, wuxuuna ardayda ku dhiirrigaliyey inay waxbarashada ku dadaalaan, wuxuuna muujiyey qiimaha uu leeyahay qofka waxbartay.
Shiikh C̷/raxmaan oo hadalka sii wata ayaa kula dardaarmay ardayda qalin jabinaysa iyo damaan ardayda dhigata Machadka inay ku dhaqmaan waxa ay bartaan.
Maamulaha Machadka Ibnu Qayim Al-Jowsiya Siciid Maxamed Diiriye ayaa intaas ka dib hadalka qaatay, waxaana uu ka warbixiyay Tariikhda macadka iyo marxaladihii kaladuwanaa ee uu soomaray machadku ,waxaana uu tilmaamay in Machadka lafuray sanadka markuu ahaa 2010 islamarkaana ey tahay dufcadaan tii 2-da ee ka qalinjabisa Machadka.
Waxaa kaloo maamuluhu intaas ku daray in uu machadku xubin ka yahay Dalladda macaahida sharciga ee soomaaliya oo ay ku midaysanyihiin macaahida ku kala taal gobolada kala duwan ee dalka, sidoo kalena uu xiriir la leeyahay jaamacada Bariga afrika .

Hormuudka kuliyada shareecada ee jaamacad bariga africa Ustaad Jaamac maxamed xasan oo isna ka ka hadlay munaasabada Ayaa ugu horeen hambalyo udiray ardayda qalin jabinaysa , isagoo talooyin wax ku ool ahna u soo jeediyey ardayda iyo waalidiintaba .
Sheekh faarax cajab gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj ah ee gobalka bari Ayaa dhankiisa aad ugu hambalyeeyey ardayda ka qalinjabisay machadka, isagoona kula dardaarmay in Cilmiga Sharciga ah ee ay barteen ay itqaaniyaan, kuna camal falaan, siina gudbiyaan, wuxuuna farta ku fiiqay in ardeyda qalin jabisay ay Dacwada dad u yihiin.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Xaflada Ganacsade Maxamuud Qorane oo ka mid ahaa Waalidiintii xafladaasi isagoo sheegay inuu mahad celin gaar ah ujeedinaayo Macalimiinta iyo maamulka uu ku tilmaamay in dadaal weyn u galeen waxbarashada Ardaydan.

Ustaad C/qani Maxamed Nuur oo ka mid ah barayaasha macadka Ibnu Qayim Al-Jowsiya, oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in Machadka Ibnu Qayim Al-Jowsiya lagu bartay inuu soo saaro ardey ka dhisan Cilmiga sharciga iyo Culuumta Carabiga,isagoona kula dardaarmay Ardeyda qalin jabinaysa in ey siiwataan wax barashadooda eyna ka mira dhaliyaan dadaalkii mudada dheer ey soowadeen.

Maxamed Salaad oo ku hadlay afka ardayda qalin jabinaysay kana mid ahaa ayaa ugu horeen mahad balaaran ujeediyay maamulka iyo barayaasha macadka Ibnu Qayim Al-Jowsiya oo mudada dheer wax soobaraayay , tilmaamayna inay machadkan ka barteen aqoon diineed iyo mid maadiba ah.
Gabagabadii ayaa ardayda qalin jabinaysa ay abaalmarino guddoonsiiyeen macallimiintii intaas wax soo baraysay.

IMG_2761

IMG_2780

IMG_2788

IMG_2803

IMG_2805

IMG_2806

IMG_2808 (1)

IMG_2808

IMG_2810

IMG_2857