+252 90 7798232 [email protected]

Boqolaal kamid ah Dadweynaha iyo Masuuliyiinta Boosaaso ayaa isugu soo baxay Banaanbax Roob doon ah oo ka dhacay Garoonka kubada cagta ee magaalada boosaso,halkaasi oo lagu tukaday Salaad Eebe Raxmadiisa looga baryay.

 

Masuuliyiin iyo Qaar ka mid ah Culimada ugu waa wayn puntland oo ka hadlay Salaadii Roobdoonta ahayd ayaa ugu baaqeen Dadka in ay iscafiyaan iyagoona kula dar daarmay Cibaadada Alle.Photo0284

 

Culimadii goobta ka hadashay ayaa waxa ka mid aha sh Daahir  Aw-cabdi , isagoo aad ugu booriyay inay iscafiyaan, dunuubta lagalayna laga toobadkeeno.

 

sidoo kale waxa culimadii ka hadashay ka mid ahaa Sh Axmed daahir, oo isaguna ku dheeraaday in baryada ilaahay la badiyo , sheegayna in sababta roob la,aantu ay tahay dunuubteena.

 

sidoo kale masuuliyiintii dowlada ee madasha ka hadlay waxa ka mid ahaa Gudoomiyaha degmada Xasan C/le Xasan Iyo Gudoomiyaha Gobolka bari C/samed Galan.

 

Dadka ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqday Alla bariga ay Maanta u yimaadeen gaar ahaana ay Eebe uga baryayeen Raxmadiisa.

 

Roobdoontan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa iyadoo Qaar kamid ah Deegaanada Puntland ay maalmihii u dambeeyay ka curteen Roobabkii guga.

 

 

 

Photo0286

Photo0289 images