Maanta oo taariikhdu tahay 20/5/2015 ayey Mu’assasadu ka samaysay tuulada Riigoomane olole wacyigalineed oo dadka deegaankaas looga digayo khataraha qaadka.
Dhawaan ayey ahayd markii Mu’assasadu booqatay deegaano balaaran oo tuuladani kamid tahay, waqtigaasoo waxgaradka deegaankaas oo uu hormuud u yahay Iimaam C/wahaab Maxamuud Gurey si gaara Mu’assasada uga codsadeen in dhawaan lagu soo noqdo, halka ayaguna ay balanqaadeen inay soo aruuriyaan muqayiliinta deegaanka, ayagoo maanta ku guulayatay inay isu keenaan dhamaan muqayiliinta deegaanka marka laga reebo labo nin oo ku adkaaday.
Waxaa kulanka sii qurxiyey abwaan soomaaliyeed oo halkaa kasoo jeediyey 6 tixood oo qaadka ka tiriyey.tixahaas oo ahaa kuwa dhaxalgal ah, oo xattaa kii Abshir bacadle waa ka saamayn badan yihiin aragtitayda, Abwaanka oo ahaa nin reer miyi ah ayaa deegaankaas looga yaqaan (Naf iyo gabay), Rati dhaan ah ayaa u furnaa oo nooma suuroobin inaan soo qaadno.
Mu’assasadu waxay go’aansatay inay abwaanka codkiisa gaarsiiso ummadda af-soomaaliga ku hadasha, dhamaan Akhyaarta golahaan ku jirtana waxaan ka codsanaynaa inay arintaas naga saacidaan talo, tabar iyo farsamoba.