Xafladaan oo ahayd mid siwanaagsan loo saa agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay Boqolaal Dad weyne ah oo isku gu jieay Maamulka Dugsiga Hoose Dhaxe Ee Al-Xikma Garowe Xubna kasocda Gudoonka Waxbarashada Nugaal /Waalidiin Iyo Marti Sharaf kaloo Badan .
Waxaana ardayda Dugsiga wax kabarata Ay soo Jeediyeen Areyo Ay kaga digayeen (Diyaanada/ Tahriibta /Qaadka / waxayna ku cabirayeen Suugaanta Soomaalida .
Xafladaan Oo Dadweynihii Goobjooga ahaa Ay kasoo baxeen iyagoo wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo rayn rayn una mahad celiyay Maamulkii Iyo Macalimiintii Ardaydaan Sida wanaagsan Usoo Barbaarshay .
Ardatda Kabaxday Fasalka 8Aad ka ayaa macalimiin tii wax soo baray Gudoon siiyay Shahaado Sharaf Waxaa kaloo Maamulka Dugsiga Hoose Dhaxe Ee Al-Xikma Garowe Abaal Marimo qaali ah Gudoon siiyay Ardaydii Kaalimaha Hore Kagalay Imtixaankii Sanadka.
Ugu danbayn tii waxaa goobta kahadlay waaridiin iyo maamulka Dudsiga AL-Xikma waxaana Xaflada Sooxiray Maamulaha Schoolka Sh.Jaamac Siciid Isagoo Dhankiisa Ardayda Iyo Waalidiintaba Ugu Baaqay In ay Isku Duubnaadaan Kana shaqeeyaan Sidii Ay Ku horumarin lahaayeen Waxbarashadooda waxaana uu sigaara uladar daarmay Ardayda Kabaxday 8aadka In ay dadaal koodii meeshii kasii wadaan .
Nuur Jaamac Adan
Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-minhaaj Puntland