+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa maantay laguqabtay Xarunta weyn ee Mu’asasada AL-Minhaaj Ay kuleedahay Caasimada Puntland Ee Garowe  Xaflad deeq raashin ah lagu gudoon siinayay dadkatabaalaysan eek u dhaqan garowe .

Waxaana xafladaan kasoo qayb galay Odayasha Dhaqan ka Culima Awdiin Maamulka Mu’asasada AL-Minhaaj Boqolaal dad masaakiin  .

Waxaana ugu horayntiiba hadalka furay Gudoomiyaha Golaha Fulinta  ee Al-Minhaaj Garowe waxaana uu ka war bixiyay ulajeedada iyo sababta dhalisay in howshaan aad ka u qiimahabadan ay Mu’asasdu U kacdo  isagoo ku sifeeyay  in ay tahay  in bulshadu is qaadato oo  bishaan aan lahelin reer dabku kadan san yahay  islamarkaan laysku tashado oo aan lagu sugin cidkale  wixiii lacunoi lahaa  waxaana uu qiray in dadku ay isku filan yihiin hadii ay isku kalsoo naadaan ,

Waxaa sidookale goobta kahadlay Sh.Maxmauud Xaaji Yuusf oo sheegay in ay tani tahay wax ku dayasho mudan islamarkaana waxaa sheekhu u diceeyay dhamaan cidii kasoo shaqaysan  howshaan qiimaha badan .

Intaas kadib waxaa xaflada soo xiray Duqa Caasimada Puntland Ee Garowe   Axmed Yaasiin Gelle waxaana uu umahadceliyay Maamulka Mu’asasada AL-Minhaaj isagoo balan qaaday in uu wixii uu helo iyaga  ugu dhiibayo si ay sidaan quruxda iyo mas uuliyadu kujirto ugu qaybiso Bulshada waxaana uu uduceeyay dhamaan dadkii kaqayb qaatay.

Deeqdaan ayaa imaanaysa kadib markii Mu’asasada Alminhaaj ay u diyaarisay barnaamij dadka wax haysta eek u dhaqan gudaha Garowe  looga soo aruurinayo raashinka qaybihiisa kaladuwan  reer walba waxay awoodaan siloo gaar siiyo dadka aan haysan waxay ku afuraan .

Sidaas Darteed Mu’asasada ayaa waxay soo xushay  kooxo kaladuwan  oo gaaraya 300 ooqof  kuwaas oo looqaybiyay  inta ay ka kooban tahay xaafadaha garowe  si ay uga soo aruuriyaan  guriwalba waxa uu labaxayo   Taakulayntaan oo a sanadkii sadaxaad oo mu’asasadu fuliso ayaa sanadkaan waxaa halkudheg u ahaa (Kiilo bixi aan isku filaansho gaarnee) waxayna illah mahdiis kadhabaysay in lagaaro isku filaansho buuxda waxaana halkaan maantay katagay boqolaal qoys oo aad ugu faraxsan  fursadaan ay u sahashay Mu’asasada AL-Minhaaj .

Nuur Jaamac Aadan

Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada AL-Minhaaj

 

M2U05499 145 M2U05500 31 M2U05500 142 M2U05506 08 M2U05508 01 M2U05508 12 M2U05510 16 M2U05512 56 M2U05513 01 M2U05514 24 M2U05515 21 M2U05517 16 M2U05547 08 M2U05550 12 M2U05554 109 vlcsnap-2015-07-18-23h01m52s186 vlcsnap-2015-07-18-23h02m29s894 vlcsnap-2015-07-18-23h02m47s197 vlcsnap-2015-07-18-23h05m52s368 vlcsnap-2015-07-18-23h06m00s968 vlcsnap-2015-07-18-23h06m13s188