+252 90 7798232 [email protected]

Muxaadaro ku saabsan xoojinka iimaanka ayaa caawa ka bilaamatay magaalo madaxda dawladda  Puntland  ee Garowe.

Waxay ka dhacday muxaadaraas masjidka weyn ee Al-Huda qaybtiisa hoose iyo qaybtiisa dhexe-ba. Sh maxamedIbraahiim  Shakuul ayaa ahaa sheekhee soo jeedinayey muxaadaraas waxa uuna ku tilmaamay muxaadaraas sida loo xoojinkaro iimaanka qofka muslimka ah.   Muxaadaraas waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee shacabka reer Garowe sida : Waalidiin, Ganacsato, Macallimiin , Ardey iyo qaybo kale oo badan.

Muxaadarani waxa uu ku faahfaahiyey Sh Shakuul sida uu u xoojin lahaa qof kasta iimaanka uu alle ku galladaystay waxana uu ku tilmaamay muxaadariisa:

  • Iimaanku inuu ku kordho ku xirnaanta alle hadba qofkaas inta ay u joogto, waxa uu sheekhu ku boorriyey shacabka reer Garowe in ay ku xirnaadaan ilaahii abuuray si uu u xoogganaado iimaankooda.
  • Waxaa sidoo kale  sheekhu tilmaamay in uu iimaanku ku xoogganaan karaa qofku inuu ku xirnaado diinta nabi muxammed ( naxariis iyo nabad galyo dushiisa ha ahaatee).
  • Sadaqada oo la baxdo.
  • Agoonta inaad wax siiso.
  • Masaakiinta inaad wax tarto.
  • Soo booqashada qubuuraha iyo isbitaallada.

 

Sidoo kale sheeku waxa uu ku tilmaamay waxyaabaha daciifiya iimaanka inay yihiin:

  1. Cilmi darro ( jahli)
  2. Qofku inuu macaasi sameeyo.
  3. In la sahlado waajibaadka, muxarramaadkana ka dhowrsan.
  4. Saaxiibada uu qofku leeyahay: waxa ay ku leeyihiin saamey wayn oo haddu xunyahay saaxiibku iimaanka qofku hoos buu u dhacayaa, ilaahayna waxaa uu tilmaamay qofkaas inuu qiyaamada calaacali doono uuna dhihi doono ( (يا ليتني لم اتخذ فلانا خليلا

Gabagabadii sheikh C/qani Maxamed Qorone ayaa tacliiqiyey muxaadaraas soona gabagabeeyey.

Xafiiska Mu’asasada Al-Minhaaj Garowe

 

 

1 2 3 4 5 6 7  DSC05416 DSC05417 DSC05419 DSC05420