+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa maantay Mu’asasada Al-Minhaaj Xafiiskeeda Gobolka Nugaal  oo gacan kahelaysa  Hayda Khayrigaa Ee Oman Charity Organization Oo laga leeyahay Wadanka Cumaan ay u qaybiyeen raashin Dad gaaaya 600 oo qoys kuwaas oo ah dad dan yar ah waxaana laga soo xulay  Xaafadaha Magaalada garowe iyo Xarumaha Barac kacyaasha  Ee Duleedka Garowe.

Ma ahan tani tii ugu horaysay balse waxaa Mu’asasadu Horay Ugu qaybisay dad gaaraya 676 qoy  kuwaas oo dhamaan ahaa kuwa aan haysan waxay ku afuraaan Tanina waxay jaanis u tahay dad kale oo iyana aan heli Karin wax kufilan .

Waxaa goobta raashinka lagu qaybinayay kahadlay Gudoomiyaha Guud ee mu’asasada Al-Minhaaj Puntland Maxamed Cabdullahi Cabdille  waxaana ugua mahadceliyay Hayada Khayrigaa Ee  Oman Charity Organization waxaana uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida wanaagsan ee  howshaan iskugu soo xilqaameen.

Sidookale waxaa isna Goobta kahadlay Wasiirka Cadaalada Dowlada Puntland  Saalax Xabiib Xaaji Jaamac waxaana uu si kal iyo lab ah ugu mahadceliyay Waftigaan iyo Dowlada Cumaan Ee aan walaalaha Nahay  waxaana isagoo ku hadlaya Magaca Dowlada Puntland Uu Kacmo Furan Ugu soo Dhaweeyay Gudaha Puntaland .

Ugu DanbaynTii waxaa Isna Dhan Kiisa Kahadlay Maxamed Alwahaabi OO KASOCDAY Hayada Khayrigaa Ee  Oman Charity Organization waxaana oo sheegay in Ay deeqdaani tahay Tii Koowaad Balse ay san ahaan doonin Tii Ugu danbaysay Ee in badan aan kusoo laaban doono Dhulka Puntland waxaana uu kamahadceliyay Sida wanaagsan Ee Dowlad Iyo Shacab U soo Dhaweeyeen  .

Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj Puntalan .

 

vlcsnap-2015-07-01-20h25m15s1 vlcsnap-2015-07-01-20h25m20s55 vlcsnap-2015-07-01-20h26m40s86 vlcsnap-2015-07-01-20h26m53s216 vlcsnap-2015-07-01-20h27m01s39 vlcsnap-2015-07-01-20h27m08s112 vlcsnap-2015-07-01-20h27m17s203 vlcsnap-2015-07-01-20h27m20s228 vlcsnap-2015-07-01-20h27m22s251 vlcsnap-2015-07-01-20h27m42s197 vlcsnap-2015-07-01-20h28m11s230 vlcsnap-2015-07-01-20h28m18s40 vlcsnap-2015-07-01-20h28m42s29 vlcsnap-2015-07-01-20h29m01s216 vlcsnap-2015-07-01-20h29m24s188