+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa maantay sirasmi ah ugu bilowday Masjidka Al-Huda Magaaldda Garowe Tartanka Qur’aanka kariimkaa  Tartankaan oo ah mid loogu soo baxayo Tartanka Heer Puntland Ayaa ahaa sanadkaan Mid Aad U xamaasad Badan Waxaana ardaydii Kasoo Qayb gashay Oo tiradoodu Dhamayd 60 Arday oo lagasoo xulay Madaarista Kuyaal Gudaha Caasimada ay soo bandhigeen Sida wanaagsan ee ay sanadkaan Ugu diyaar garoobeen in ay kaalimaha ugu horeeya kalaan Tartanka Qur’aanka.

Xafladaan oo ahayd mid siwanaagsan uu u soo diyaariyay Xafiiska Dacwada Iyo Tacliin Ee Mu’asasada Al-Minhaaj Gabolka Nugaal  waxaa kasoo Qaybgalay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal C/lahi Ciise Aw Axmed  Iyo Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf Sheekhul Baladka Waxaa kaloo Kasoo qayb galay Dadweyne aad u farabadan kuwaas oo soo buux dhaafshay Masjid .

Macalin Mukhtaar Muxumud  oo ah Madaxa Xafiiska Dacwada Iyo Tacliin ta Ee Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal ayaa kawar bixiyay Qaabka ay ardaydaan Usoo Xuleen Iyo walaiba Shuruudaha Ay Ku qiimaynayeen  waxaana Uu sheegay In ay Ugu soo Dhamaatay Siwanaagsan waqti dheer kadibna ay Madaraso  walba soo gudbiyeen ardaydii Umatali lahayd Tartanka.

Intaas kadib  waxaa lagu soo dhaweeyay Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaana sheekh umada ugu dardaarmay in ay bartaan kitaabka Alle isagoo sheekhu kadigay in hadii bulshadu ay haraystaan barashada iyo kudhaqan ka kitaabka Allah ay Kadhalanayso Ciqaab.

Waxaa Xaflada Sirasmi ah U furay Gu doomiyaha Gobolka Nugaal C/laahi Ciise Aw Axmed Waxaana uu  bogaadiyay Mu’asasada ALminhaaj Dadaalka Ay wado Iyo Howsha Adag ee ay Bulshada U hayso dhanka kale waxaa uu ardayda kulataliyay in ay dadaalaan isagoo u rajay yay in ay  sanadkaan kaalimaha hore galaan .

Nuur Jaamac Aadan

Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada AL-Minhaaj Puntland 

[email protected]

Tell:+252907723014

 

 

 

 

 

 

 

 

vlcsnap-2015-07-03-17h28m03s183 vlcsnap-2015-07-03-17h30m46s25vlcsnap-2015-07-03-17h30m24s65vlcsnap-2015-07-03-17h30m05s129vlcsnap-2015-07-03-17h29m51s248vlcsnap-2015-07-03-17h29m29s27vlcsnap-2015-07-03-17h30m05s129 vlcsnap-2015-07-03-17h28m25s159 vlcsnap-2015-07-03-17h29m51s248 vlcsnap-2015-07-03-17h30m05s129 vlcsnap-2015-07-03-17h30m12s202vlcsnap-2015-07-03-17h28m25s159 vlcsnap-2015-07-03-17h28m08s241 vlcsnap-2015-07-03-17h29m51s248 vlcsnap-2015-07-03-17h30m05s129 vlcsnap-2015-07-03-17h30m12s202