Hay’addan oo ka dhisan dalka Maraykanka ayaa sanad kasta waxay ciid siisaa carruurta agoonta ah ee ku nool Soomaaliya gaar ahaan Puntland.
Sanadkan carruur gaaraysa labo boqol ayay ku ciid-siisay magalo madaxda Puntland ee Garowe, waxana sidaasi sheegay wakiilka Hay’adda Haro Puntland Shiikh Yaasiin Cabdilaahi Cali.
Barnaamijkan ciid-siinta ah ayaa ahaa mid soo socday sanooyinkii lasoo dhaafay, munaasibadda carruurta la ciid siinayo loogu qaybinayay deeqda lacagta ah ee ka timi Hay’adda ayaa galabta lagu qabtay Masaajidka Al-Huda ee magalada Garowe.
Shiikh Yaasiin Cabdilaahi ayaa u mahad celiyay Hay’adda Haro oo deeqdan soo gaarsiisay Carruurta Agoonta ah oo aanan awoodin inay la farxaan maalmaha ciida saaxiibadooda faraxsan, wuxuna sheegay inay sidii ugu talo galeen u gaarsiiyeen meelihii loo qorsheeyay.
Shiikh Yaasiin ayaa sidoo kale dadka hantida haystaa ugu baaqay inay xilli kasta ka qayb qaataan taba-rucaada loogu gurmanayo dadka itaalka daran ee ku nool dhulka Soomaaliya, kuwaasoo u badan waayeen, haweenka iyo carruurta.