Waxaa maanta Xarunta jaamacadda Bariga ee Garoowe lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha Gobalka Dalarna ee dalka Swedan Mursal Ciise kaasi oo dhawaanahan Puntland ku joogay booqasho rasmi ah.
Mursal Ciise Gudoomiyaha Gobalka Delarna ee dalka Swedan ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta jaamacadda sida ay usoo dhaweeyeen, waxana madaxda Jaamacadda iyo Ganacsatada wawayn ee Puntlanduga mahad celiyeen sida uu had iyo jeer uga shaqeeya arimaha horumarinta waxbarshada Heerka Jaamacadaha.
Soo dhawaynta kadib waxaa kulan gaar ah wada qaatay Gudoomiyaha gobalka Delarna Madaxda Jaamacadda bariga Africa madaxda ugu sarraysa Shirkadaha Golis iyo Nec iyo xildhibaan Siciid Cabdi Samatar oo ka tirsan barlamaanka Puntland kaasi aad loogu falaanqeeyay waxbarshada Puntland iyo sida horumar loogu samayn karo.
Shirka waxaa kasoo baxay xiriir cusub oo dhanka waxbarshada ah oo dhex maraya Jaamacadda Bariga Africa iyo Jaamacadda Dalarna ee dalka Swedan, waxana labada jaamacadood ay wada bilaabayaan Facult cusub oo lagu baranayo Cilmiga Tabarta Qorraxda(Solar System Energy).
Ugu horrayn sheikh Maxamuud Xaaji yusuf Gudoomiyaha jaamacdda bariga Africa ee Garoowe ayaa sheegay inay uga mahad celinayaan gudoomiyaha gobalka Dellarna sida uu utageero horumarinta waxbarshada Puntlanduuna uga shaqeeyay fududaynta xiriiro dhex mara jamacdada iyo jaamacdo ku yaal wadamada Yurub, waxana uu sheegay in barnaamijka waxbarsho ee cusub uu yahya kii ugu horeeyay ee abid laga hirgaliyo dalka.
Dhankiisa Gudoomiyaha Gobalka Delarna ee dalka Swedan Mursal Ciise ayaa sheegay in uu diyaar uyahay sii wadida horumarinta waxbarshada iyo adeegyada kale ee bulshada, uuna hadda doonayo inuu sii xoojiyo xiriirka udhexeeya jamacadda bariga Africa iyo jaamacdda ku taal gobalka uu gudoomiyaha ka yaay ee Dalarna.
Kulliydda cusub ee lagu baranayo tabarta qorraxda iyo ka faaidaysigeeda ee ay wada hirgalin doonaan Bariga Africa iyo Dilarna waxana dhaqaalaha ku baxaya ballan qaaday shirkadaha ganacsiga ee kakala shaqeeya Koroontada iyo Isgaarsiinta ee Golis iyo NEC.
Maareeyaha guud ee shirkadda Golis Siciid Adan Axmad iyo mareeyaha guud ee shirkadda NEC Cabdifataax Maxamed Cabdi ay ballan qaadeen labaduba inay dhaqaalaha ku baxaya kulliyadaasi bixin doonaan ayna dufcadda ugu horraysa kulliyadda o noqonaya 30 Arday ay iyagu ka bixin doonaan kadibna shaqaalaysiin doonaan.
Jaamacdda bariga Africa waxa ay sanadkan bilabayasaa kulliyada cusub oo lagu baranayo caafimaadka iyo umulisi nimada waxana wada qabanaya jamacadda bariga Africa iyo Jaamacadda Dilarna, waxana jaamacaddu inta badan ku tiirsan tahay ganacsatada Puntland iyo dadka Shacabka ah.