Waxaa maalimihii lasoo dhaafay laga dareemayay hadal haynta Olalaha kadhan ka ah Tahriibta kaas oo kasocday Goobaha wax barashada Ee gudaha Caasimada Puntland .
Aqoon yahan Cabdi Naasir Ibraahiim Oo dalka kamaqnaa Mudo 25 Sano Ah ayaa si rasmi ah uga bilaabay Machadka Caafimaadka Ee Xaaji Cabdi Barnaamijkiisa Uu’ Ugu magacdaray (Dhoofka Dhalinyarada Iyo Khatrta Tahriibka ) Waxaana barnaamijkaan Kugarabtaag nayd Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal Tababare Cabdi Nasir ayaa ardaydii uu kulakulmay mac-hadka X/Cabdi usoo Bandhigay Muuqaalo Katarjumaya Dhibka ay la kulmaan Dhalinta tahriibta u’aada Dibada Sida Jirdil/Kufsi / Koronto Xiniinyaha Iyo Naasaha Looga Dhajiyo / Bada Oo si barer ah Loogu Daadiyo/ Iyo Mida Ugu Wey Oo ah in Xubin Xubin Loo iibsado Meelaha Ugu Muhiimsan Jirkooda .
Dhanka kale waxaa uu ardayda Usoo bandhigay Halku dhegyo Ardayda ku dhiiri galiyay Wadaniyadda Iyo In ay Dhulkooda Jeclaadaan Taas Oo sabab tay in ay arday badan go’aan Sadaan sidii ay dalkooda khayraadka kabuuxa ula soo bixi lahaayeen ,
Ardayda ayaa su’aalo ku weydiiyay gaba gabdii waxaana Tababare Cabdi Naasir Ibraahiim Uu Uga jawaabay Su’aal walba Tusaalooyin Ay ardaydu Ku wada qan ceen ,
Barnaamijka (Dhoofka Dhalinyarada Iyo Khatrta Tahriibka ) Ayaa Imaanaya Xili Baahiweyn looqabay maadaama ay Xiliyadii Danbe aad u badatay Dhalinta Tahriib Doonka Ah iyo Khasaaraha Dhimasho eek u soo dhacaysa Dhagaha Soomaalida
Isku soo wada duu boo Tababare Cabdi naasir Ayaa larajaynayaa In Uu gaarsiin doono barnaamijkiisa dhamaan goboladda dalka isagoo garabsanaya Mu’asasada Alminhaaj Oo waxbadan la fududaysay Intuu howshaan Kugudajiray.
Nuur Jaamac Aadan Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Alminhaaj Puntland
Tell:00252907723014
Dhamad Qaybtii 1aad
Lasoco Qaybta 2aad