+252 90 7798232 [email protected]

Garoowe:-Munaasabad si wayn loo soo agaasimay ayaa 26-9-20015 oo ku began maalin sabti ah waxaa lagu qabtay Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garoowe waxaana ku Qalin jabiyey in ka badan 118 Arday oo ka kala socday Kuliyadaha kala ah Culuumta Bulshada, Maaraynta Ganacsiga, Shareecada Islaamka iyo Culuumta Computerka.

Maamule ku xigeenka Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garowe Mudane C/Raxmaan Bindiiriye ayaa kusoo dhaweeyey Xaflada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Siciid Xasan Shire iyo Masuuliyiin kale oo ka socday 2gole ee Puntland.

Maamulaha Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garoowe Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in waqti dheer iyo juhdi badan lasiiyey sare u qaadida Ardayda Jaamacada Bariga afrika isagoo u mahadceliyey dhamaan Aas-Aasayaashii ku dhiiraday in ay yagleelaan Jaamacada ayna tahay wax Natiijadeeda la hayo,dhanka kale sheekha wuxuu Hambalyo u diray Ardayda Qalin Jabisay wuxuuna dhiirigeliyey kuwa hada Waxbarashada ka wada Jaamacada Bariga Afrika.

Gudoomiyaha Guddiga Asaasayaasha Jaamacadda Bariga Afrika Sheekh Yuusuf C/casiis ayaa sheegay in qiimo wayn ay ku fadhido soo saarida Arday tacliin Sare Xambaarsan Dalkooda iyo dadkoodana ku anfici kara wixi ay soo barteen wuxuu sheegay inaysan soo gabagabayn waxbarashada Ardayda Qalinjabisay balse hada ay Bilow u tahay waxbarashada ayna sii wadaan.

Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cali faarax ayaa sheegay in Wasaarad ahaan ay soo dhawaynayaan Ardayda Kasoo baxday Jaamacadda bariga Afrika, wuxuu cadeeyey Puntland in ay Nasiib u leedahay jaamacado tayo Aqooneed u saaxib ah isagoo carabka si gaar ah ugu adkeeyey Jaamacada Bariga Afrika oo uu tilmaamay in ay kasoo baxaan arday  tayo iyo tacliinb u saaxiib ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Siciid Xasan Shire oo Xaflada soo xiray ayaa sheegay in Dowladd ahaan ay soo dhawaynayaan Ardayda Qalinjabisay Dalkana ay ka jirto shaqooyin farabadan oo loo baahan yahay in ay soo saartaan kana faa’iidaystaan, wuxuu ugu baaqay ganacsatada Dalka in ay Shaqaaleesiiyaan Ardayda kasoo baxda Jaamacadaha dalka si dhalinyaradu aysan uga hayaamin Dalka, Wuxuu Booriyey Jaamacada Bariga Afrika maamulkeeda Macalimiinteeda iyo Ardaydeedaba ugu dambaynna Xafladii ayuu soo gabagabeeyey Gudoomiyuhu.

Intii ay xafladu socotay waxaa jiray Dhiirigelin iyo shahaadooyin lagudoon siiiyey qaybo ka mid ah Ardayda waxaana loo mahadcelshay Ardaydii sida wayn uga qayb qaadatay Qabanqaabada Xafladda waana Dufcadii 3xaad oo ka qalinjabisa Jaamacada Bariga afrika Faraca Garowe.

Xafiiska Warfaafinta

EAU Garowe.

Leave a comment