Taba-barkaan ayaa wuxuu ku suntanaa tababarka taba barayaasha , wuxuuna ka dhacay magaalada Bosaso Hoolka Amal plaza , wuxuuna socday tababarkaani mudadii udhaxaysay16-22 October 2015 waxaana Bixinayay taba-barkaan taba-barayaal ku xeel dheer taba-barka (TOT) oo Xaruma taba-bar ku leh magaalada muqdisho oo haysta shahaadooyin caalami ah waxayna kala ahaayeen Dr Shaafici Dhafe & Ustaad Cabdi Weli Xasan.
Ujeedooyinka tababarkan laga lahaa waxaa ka mid ah :
- In lahelo taba barayaal karti iyo kifaa’o leh Taba-barka .
- In lataba baro taba barayaal awood u leh inay bulshada u gudbiyaan aqoonta ay xanbaarsanyihiin .
- In lasoo saaro taba barayaal xirfad tababar leh.
Waxaa tababarkaan ka faa’idaystay rag xul ah oo iskugu jiray godoomiyayaasha Mu’asasada ee gobolada / degmooyinka iyo Waliba mas’uuliyiinta mu’asasaadka tacliinta qaybo kamid ah.
Waxaana laga soo xulay gobolada ay kamid yihiiin : Mudug , Nugaal ,Bari , Sanaag, Sool iyo Caabudwaaq.
Taba-barkaan ayaa waxaa lagu qaadanayey shahaadooyin caalami ah oo ay kala bixinayaan:Canadian Training Center, Son’a Al-karar for human development iyo mu’asasada alminhaaj.
Taba barkaan oo ahaa kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo lagu qabto deegaanada puntland ayaa waxa uu kusoo dhamaaday jawi aad uwanaagsan ayadoo la gaaray nuxur kii laga lahaa
Nuur Jaamac Aadan
Xaiiska Warbaahinta Mu’asasada Alminhaaj