+252 90 7798232 [email protected]

Tartanka Doorashada Gudoomiyaha Ardayda Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garoowe  ayaa Wareega 1aad waxaa ku tartamay  Afar Murashax oo kala ah Maxamed Karaama,Maxamed faarax, Daa’uud Sakariye, iyo Guuleed Ismaaciil waxaana Wareega 2baad usoo gudbay Daa’uud Sakariye oo helay 220 Cod halka Guuleedna uu ka helay 71 cod sidaana waxaa loogu balamay Qabashada Wareega 2baad ee tartanka.

Codaynta Ardayda wareegi 2baad kadib waxaa Gudoomiyaha Ardayda jaamacada Bariga afrika ku guuleystay Daa’uud Sakariye Xirsi oo Helay 258 Halka Murashaxii la tartamayey ee Guuleed Ismaaciil Aadan uu  helay 144 Cod sidaana waxey guushu ku Raacday Mudane Daa’uud Sakariye.

Gudoomiyaha JaaMacada Bariga Afrika  Faraca Garoowe Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf  oo Madasha ka hadlay wuxuu soo dhaweeyey Gudomoomiyaha Cusub ayna la shaqayn doonaan una fududeyn doonaan waxyaabaha uu doonayo wuxuuna sheekhu codsaday in mar walba Ardaydu ku dadaalaan soo kordhinta fikrado cusub oo Dalka Diinta iyo Dadka waxtar u leh,sidoo kale Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa isagana ku tilmaamay si Xalaal ah in ay ahayd habkii ay Doorashada u dhacday si waynna arintan looga soo shaqeeyey.

Anisa C/qaadir Xaaji Muumin Wasiirka Haweenka iyo arimaha Qoyska Puntland ayaa qaabki ay Doorashada u dhacday ku tilmaamtay hab Caalami ah kalsoonina ku beereysa Murashax kasta oo tartamaya Ardayda Jaaacada Bariga Afrika ayeey ku sheegtay Wasiirada in ay ka muuqato isku xirnaan iyo maamul Wanaag iyadoo si wayna gabdhaha ugu boorisay xagooda in ay ku biiraan hogaaminta,waxay dhanka kale guul u rajeesay Gudoomiyaha Cusub ee Ardayda.

Gudigii  ka shaqeynayay Doorashada oo lagu tilmaamay in ay ahaayeen Gudi Hawlkar ah ayaa Madasha lagu Gudoonsiiyey Shahaado sharaf iyo abaalmarino kalana ay Jaamacada u balan qaaday, waa doorashadii Afaraad ee ka dhacda Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garoowe  tan iyo intii laga furay magaalada Garoowe.

Xafiiska Warfaafinta

EAU Garowe.

IMG_1059 IMG_1058 IMG_1053 IMG_1048 IMG_1050 IMG_1077 IMG_1079 IMG_1082 IMG_1089 IMG_1086 IMG_1084 IMG_1097 IMG_1108 IMG_1113