+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa Maanta oo isniin  kuna  beegnayd 16-ka November xaflad si heer sare loo soo agaasimay ka dhacday Xabsiga way ee Garowe halkaas oo Mu’asasada Al-Minhaj ku wareejisay Maamulka xabsiga dhaxe ee garoowe Makiinado farsamada gacmeed .

Deeqda Makiinadaha  ayaa waxaa  bixisay jamciyada Shaariqa Al-khayriya  ee fadhigeedu yahay dalka isu taga imaaraatka ,waxayna ka  koobnayd 12 makiinada dharka , Makiinada Bulikeetiga , iyo Makiinada faryaamada .

Munaasabada oo lagu qabtay Xabsiga dhaxe ee Garoowe waxaa ka    qeyb galay Wasiirka Cadaalada iyo arimaha diinta ee Dawladda Puntland Mudane Saalax Xabiib Jaamac iyo Gudoomiyaha Mu’asasada Al-minhaaj Sh Maxamed Cabdilaahi iyo Taliyada Ciidanka asluubta ee puntland Janaraal Cali Nuur Cumar iyo Taliyaha xasbiga Garoowe gaashaanle  Maxamed Xusayn Maxamuud iyo Dr cartan oo kamid ah dakhaatiirta caanka ah ee Puntland .

Ugu horeyntii waxaa Xaflada ka hadlay Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Mudane Maxamed Cabdilaahi oo sheegay inay ku wareejiyeen Makiinado maamulka Xabsiga Garoowe isaga oo uga

mahadceliyay wasiirka cadaalada iyo taliyaha ciidanka asluubta iyo taliyaha xabsiga Garoowe sida hufan  ee ula shaqeeyeen Mu’asasada sidoo kalane wuxuu u mahadceliyay isaga oo balan qaaday inay kala shaqeyn doonaan wasaarada cadaalada iyo taliyaha ciidanka asluubta Horamarinta xabsiyada .

Sidoo kale waxaa isaguna xaflada khudbad qiimo badan ka jeediyay Dr Cartan oo sheegay in xabsiga uusan ahay goob lagu ciqaabo dambiilayaasha balse uu yahay goob lagu hagaajiyo dhaqanka maxaabiista .

Taliyaha ciidanka asluubta oo isna goobta ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Mu’asasada             Al-minhaaj iyo jamciyada shaariqa Al-Khayriya ee deeqdaan soo gaarsiiyay xabsiga garoowe

Ugu dambeyntii waxaa xafladda soo xirey  wasiirka cadaalada iyo arimaha diinta ee Dawladda Puntland Mudane Saalax Xabiib Jaamac oo ku amaanay Mu’asasada Al-minhaaj dowrka wanaagsan ee ay kaga jirto horumarinta bulshada waxaana uu ugu dardaarmay Mu’asasada Al-Minhaaj in ay sii wado dadaalkeeda  waxaana wasir Xabiib Dhankakale Maamulka xabsiga u adkeeyay in ay qalabkaan ilaashaan islamrkaana U isticmaalaan Sidii  Ugu haboon :

Nuur Jaamac Aadan

Xafiiska Warbaahinta  Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland

vlcsnap-2015-12-16-09h23m14s035 DSC_0050 DSC_0045 DSC_0037 vlcsnap-2015-12-16-09h24m25s903 vlcsnap-2015-12-16-09h23m51s945 vlcsnap-2015-12-16-09h23m32s750 DSC_0013 DSC_0037 DSC_0045 DSC_0050 vlcsnap-2015-12-16-09h23m14s035 DSC_0020 DSC_0013