Culimadaan oo Warbaahinta Kulahadlay Garowe Kadib Markay ka soolaabteen Gaalkacyo oo ay u tageen Joojinta Colaadii Kadhacday waxaana Culimadaan kamid ahaa Sh.Maxamed Mucalim Axmed Iyo Sh.Maxamuud Xaaji Yuusf .
Sh.Maxmed Mucalim Axmed Oo ugu horayntiiba kahadlay goobta ayaa sheegay in Ay illah mahadiis tahay in lagu guulaysto Joojinta Dhiigii Bilaa micnaha u daadanayay waxaana uu mahadcelin usoo jeediayay Madaxda Dowladda Puntland Iyo Galmudug Sidii wanaagsanayd ee ay u soo dhaweeyeen Xal uhelida dagaalka .
Dhanka kale Sheekh Maxamuud Xaaji Ayaa isna dhankiisa muujiyay rajada weyn ee uu kaqabo in ay halkaas ku ekaato Colaadii Gaalkacyo waxaana dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in ay ilaashaan Nabad galyada iyo wada noolaan shaha .
Hooska daawo
Nuur Jaamac Aadam Al-Minhaaj Puntland