Waxaa Caawa oo taariikhdu tahay 10/03/1437 H, Kunabeegan 21/12/2015 Gashay Nadwadii kasocotay Masjidka Alhuda Magaaladda Garowe waxaana caawa Darsi Halku dhigiisu ahaa (اشراط الساعة ) oo saamayn badan yeeshay soojeedshay Sh.Daahir Aw Cabdi waxaana kasoo qaybgalay boqolaal dad weyne iyo Qaybo Kamid ah Golayaasha Dowlada Puntland Oo Uu kamid ahaa Wasiirka Cadaalada waxaana Dhamaan bulshaas ay sigaar ah udoonayeen in ay waxbadan ka ogaadaan saacada qiyaame iyo fidnooyinka aduunka .
Sheekha oo darsigiisa uu ka muuqday diyaar garow aad u sareeya ayaa soo ban dhigay maantay waxa kamuuqda aduunka in ay tahay caalaamadihii qiyaamaha waxaana Sheekhu sooqaatay kasakow daliisha diinta waxa hada oo kamuuqda aduunka aynu kunool nahay.
Sheekh Dahir waxaa dhinacyo badan bulshada katusay sida maantay ay umuuqato in aynu kujirno Saacadii Qiyaamaha waxaana sheekhu kudheeraaday Dagaalada kadhaxjira Muslimiinta gudahooda oo iyaga laysku diray iyo Ururada kaladuwan ee banaystay Dhiiga Muslimiinta waxaas oo dhan in ay kamid tahay Calaamadaha saacada Qiyaame .
Dhanka kale sheekhu waxaa uu kudheeraaday Soosaaridda Nabiyullahi Ciisa oo kamid ah Calamada Qiyaamaha Iyo Dajaal Imaanshihiisa oo uu kabixiyay faahfaahin dheer qaabkiisa meesha uu kasoobaxayo iyo waliba calaamadihiisa taas oo kamid ah Calaamadaha Qiyaamaha waxaana uu bulshada ugu baaqay in loo diyaar ga roobo sidii loogu baasi lahaa imtixaanka maantay taagan iyo kuwa kale oo badan oo imaandoona .
Ugu Danbayntii Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa ka jawaabay Su’aalo badan oo dad weynuhu Culimada Soo weydiiyeen Su’aalahaan oo ahaa kuwa aad umuhiim ah waxaa dhamaan sheekhu kajaahil saaray cidwalba oo mugdikagajiray.
Isku soo wada duuboo Waxaa habeen danbe loo balan sanyahay Muxaadaradii 3-xaad oo Halkudhigeedu yahay (Geerida Iyo Sakaraadka) Waxaana Soojeedinaya Sh.C/rashiid Maxamed Ismaaciil waxaana Sitoos ah Uga Dhagyasan kartaan Halgan.net
Nuur Jaamac Aadan AL-Minhaaj Puntland
Hooska DAAWO Qaybtii Su’aalaha
Hooska DAAWO Muxaadaradii Sh.Daahir Aw Cabdi