+252 90 7798232 [email protected]

Nadwada oo gashay habeenkeedii 3-xaad ayaa caawa halkudhegeedu ahaa(سكرات الموت) waxaana soojeediyay Sh.C/rashiid Maxamed Ismaaciil waxaana sheekhu bulshada xasuusiyay geerida iyo dhibka ay leedahay waxaana sheekhu tusaaleeyay sida ay ugu baasaan imtixaanka dadka Rumaysan  الله سبحانه وتعالي iyo dhibka ay maraan  dadka aan mu’minnta ahayn .

Waxaa kaloo Sheekhu kudheeraaday qabriga iyo In uuyahay halka qofku uu ku sugnaanayo mudo isaga oo faraxsan ama ciqaaban waxaana Sheekhu Allah Kabaryay In uu naganabad galiyo ciqaabta Qabriga .

Dhamaan Dadweynihii Iyo Mas’uuliyiintii Caawa kusugnaa Masjidka Weyn Ee Al-huda Magaaladda Garowe ayaa wajiyadooda laga dheehan karay sida ay uga murugaysan yihiin  Howsha Adage e kajirta waxaana moodaa in qofwalba udiyaar garoobay sidii uu ubadbaadi lahaa.

Intaaskadib waxaa lagalay qaybtii labaad ee Su’aalaha waxaana caawa kajawaabayay Labada Sheekh  ee kala ah Sh.Daahir Aw Cabdi Iyo Sh.Cabdi Naasir Xaaji Axmed waxaana Ku horeeyay Sh Daahir Aw Cabdi waxaana labada sheekhba lasoo weydiiyay Su’aalo Dhowr Ah kuwaas oo  Labada Sheekh ay uga jawaabeen Dhamaan Su’aalihii Ay qabeen Bulshadu waxayna Su’aaluhu Caawa Ubadnaa yeen Kuwo aad Muhiim ugu ah Bulshada muslimkaa in ay ogaadaan waxayna ubad naayeen kuwa kahadlayaya Dhanka Kooxaha Lunsan.

Isku soo wada duuboo nadwadaan ayaa waxbadan kabadalan kuwii hore waxaana masjidka Al-Huda laga dhareemayaa Buuxdhaaf Bulshada kafaaiidaysanaya Kuwaas oo iskugu jira Rag iyo Dumar  halka kumanaankale ay kalasocdaan qaybaha warbaahinta oo sitoos ah u tabinaysa Dhanka daafaha Caalamka waxaa sitoos ah looga faa iidaysanayaa Halgan.net  waxaana loo balan san yahay habeen danbe iyo Muxaadaradii Sadaxaad  waxaana Soo jeedin doona Sh.Cabdi Naasir Xaaji .

Nuur Jaamac Aadan Al-Minhaaj Puntland 

vlcsnap-2015-12-21-11h26m39s167vlcsnap-2015-12-21-11h28m15s110 vlcsnap-2015-12-21-11h49m58s253vlcsnap-2015-12-21-11h26m27s56 vlcsnap-2015-12-21-11h27m28s159vlcsnap-2015-12-21-11h26m01s48 vlcsnap-2015-12-21-11h25m15s105   vlcsnap-2015-12-21-11h26m33s110  vlcsnap-2015-12-21-11h24m40s8 vlcsnap-2015-12-21-11h24m33s201 vlcsnap-2015-12-21-11h24m28s148DSC02793 vlcsnap-2015-12-21-11h24m22s84 DSC02804  DSC02794 DSC02786DSC02799DSC02788 DSC02800DSC02792 DSC02801  DSC02791 DSC02789   DSC02785 DSC02781
HOOSKA Daawo Muxaadaradii 1-Aad Sh.Cabdi Rashiid Maxamed Ismaaciil .

Hooskadaawo Qaybtii Su’aalaha