+252 90 7798232 [email protected]

so dhawenGAROWE:- Sh.Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culimada ugu caansan Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta in uu gaaro magalada Garowe xarunta dowladda Puntland.

Sh Maxamed Cabdi Umal oo maalmihii la soo dhaafay socdaal dacwadeed ku soo maray Waqooyiga Soomaaiya ayaa xalay waxaa uu soo afmeerat muxaadaraad uu ka waday mudo 3 cisho ah magaaalada Laasaanood ee Gobolka Sool.

Fadiilatu Shiikh Maxamed Cabdi Umal  iyo wafdi culimo ah oo la socday ayaa laga sugayaa magaalada Garoowe oo uu muxaadaraad ka jeedin doono Masjidka weyn ee Al-hudaa ee magaalada Garoowe.Culimada , ducaada maamulka Gobolka Nugaal iyo dadweyne aad u fara badan ayaa waxaa ay Shiikh Umal uga hortagi doonaa saaka duleedka waqooyi ee magalada Garowe halkaas oo soo dhawayn diirran loogu samaynayo wafdiga la socda Shiikh Umal.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa la filayaa inta uu ku sugan yahay Puntland in uu muxaadaraad kale duwan ku qaban doono magaalooyinka waaweyn  iyadoo muxaadaradka Sh Umal ay ka faa’iidaysan doonaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobollada Puntland

Mu’asasatu Al Minhaaj

Garowe