+252 90 7798232 [email protected]

Mu’asasada Alminhaaj xafiiskeeda Gobolka Nugaal oo mudooyinkii danbe waday olole ay guud ahaan bulshada uga digayso khataro badan ayaa maantay wacdi usoo jeedisay Asgarta Saraakiisha Iyo Maxaabiista Xabsiga weyn ee Garowe .

Ma ahan kulan kaani kii ugu horeeyay balse waxaa marar badan booqda maxaabiista kuxiray xabsiga weyn ee Magaalada Garowe Culimado Ay Hogaaminayso Mu’asasada Alminhaaj waxaana loogu deeqay hada kahor  qalabka farsamada gacanta Kitaab ay kabartaan Diinta Islaamka Iyo Agabkaloo lamid ah.

Waxaana saakay muxaadaro kahadlaysa mas’uuliyada saran asgariga  halkaas kasoo jeedshay Sh.Maxamed Axmed Faarax(Dabiixi) waxaana Sheekhu kudheeraaday muhiimadda ay leedahay in asgarigu dareemo xilka kasaaran bulshadiisa iyo diintiisa.

Sheekha ayaa intaas kadib lahadlay maxaabiistii kuxirnayd jeelka isagoo udardaarmay in aysan kunoqon wixii xumaa ee loosooxiray islamarkaana aysan intabalwada iska daysay aysan dib ugu laaban Cunida Iyo Cabida Maandooriyaha.

Ugu danbayntii waxaa maamulka Xabsigu Uga mahadceliyay Muxaadaraatkaan Qiimaha badan Oo Mu’asasada Alminhaaj Aysoo Gaarsiisay Maxaabiista Iyo Asgarta Asluubta.

Nuur Jaamac Aadan Xafiska Warbaahinta Mu’Asasada Al-Minhaaj Puntland

IMG_20160104_072527 IMG_20160104_072530 IMG_20160104_072631 IMG_20160104_073507 IMG_20160104_075103 IMG_20160104_075615 IMG_20160104_075103 IMG_20160104_082250