Tababarkaan oo ahaa mid uu soo agaasimay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Fulinta Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal ayaa ahaa mid lagu qaatay Tababar Dhinacyo Badan taabanaya Tababarkaan Oo ahaa midkii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah islamarkaana lasiiyo Madaxda Xafiisyada Iyo Xubnaha Kaladuwan ee lashaqeeya .
Gudoomiyaha Golaha Fulinta Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal Sh Mukhtaar Axmed Faarax oo Tababarka Furay Ayaa Sharaxaad Reer Kabixiyay Tababarkaan Iyo Danta laga leeyahay waxaana uu xusay Sheekh Mukhtaar In ay tahay sidii loosoo saarilahaa hogaankii mustaqbalka Hogaaminlahaa Mu’asasada waxaana uu kacodsaday Kasooqayb galashaasha In laga Faa iidaysto .
Tababarkaan oo lagu baranayay
- Sida Loodajiyo Qorshe Sanadeed
- Sida Loo Kasbado Quluubta Banii’aadamka
- Calaamadaha Hogaamiha Guulaysta
- Sifaadka Lagarabo Qofka Daacigaa
- Horumarka Shaqada Mu’asasada
Dhamaan Ciwaanadaas Oo ahaa Kuwii Lagu qaatay intii uusocday Tababarku waxaa soo jeedinayay aqoonyahanno kaladuwan oo caanka ah Dalka Somali waxayna kala ahaayeen
- Dr C/raxmaan Axmed Nuur ( Sulub)
- Dr Maxamed Cumar
- Prof C/raxmaan Maxamed Abshi
- Mukhtaar Axmed Faarax
Dhamaan Xubnihii kafaa iidaysanayay Tababarkaan ayaa qiray in ay faaiideen Aqoon Muhiim ah oo ku soo aadantay waqti baahi weyn ay u qabeen waxaana xusid mudan in dhamaan xubnahaan loo diyaarinayay sidii ay Ay Uqaban lahaayeen Hogaanka Mustaqbalka Mu’asasada Alminhaaj.
Iskusoo wada duuboo Tababarkaa Ayaa Socon doona Maalmaha Fooda Inaku soo yaha waxaana laga rajaynayaa tababarkaan in uu kazoo bixidoono hadafkii ahaa In Uu kasoobaxo Hogaan kii Mustaqbalka .
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland