Ololahan ku Saabsana Wackigelinta Amniga iyo kadigida qabyaaladda ayaa iskugu jirey Qaybo kala duwan Sida Muxaadarooyin lagu Qabtay Dacwa shaaricyada Magaalada Boosaaso , Khudbadaha Masaajidada , kalimaad Laga sameeyey Masaajida , Nadwo yar oo hal habeen Socotay iyo Daabuurada Schoolada sare oo Kalmaad laga soo jeedinayey ayaa Soo gaba gabowday Asbuucan gudihiisa .
Mu’asasada Al minhaaj Faraceeda Bari ayaa Ololahan qaybaha kala duwan isku jirey Abaabulkeeda iyo Fulinteedaba lahayd
Ololahan ayaa Waxa Laga fuliyey in ka badan 10 School sare oo Dhammantood ku Yaala Gudaha Magaalada Boosaso
Wacyi Gelintan ku Saabsanayd Ahmiyadda Amniga uu Bulshada u leeyahay iyo Ladagaalanka Qabyaalada ayaa si Baaxad leh Looga dareemayey Gudaha Magaalada Boosaso ayadoo Magaalada ay ka jireen Asbuucyadii tegay Rabshado Amniga iyo Hormarka Bulshada lid ku ah
Ololahan oo ay ka qayb qateen Culima udiin Aqoonyahanada iyo Waxgaradka Aya lagu tegay inta badan Schoolada sare ee Boosaso waxana ka Mid aha Schooladii la Tegay Shafi’i Secondry School Ugaas Yasiin Secondry School Bander Qaasin iyo Al Najaax Secondry School iyo Kuwa kale oo badan
Si kastaba Ha ahaatee Mu’asasada Al Minhaaj oo Loo Aqoonsaday Kama Daalayaasha Waxtarka iyo Hormarinta Bulshada ayaa Dowrkas Qaadatay
Alminhaaj Xafiska Bosaso