+252 90 7798232 [email protected]

Uururka Dacwada Ee Amalu-Umah  oo ay ku midaysan yihiin Gabdhaha kashaqeeya Faafinta dacwada ee xafiiskoodu yahay garowe ayaa soo bandhigay in kabadan 2000 oo kitaabta Qur’aanka Kariimkaa oo ay  kusameeyeen Dayac Tir Buuxa waxayna kasoo Aruuriyeen Inkabadan 4xaafadood oo kamid ah Xaafada Garowe.

Ma ahan tani tiikoowaad balse waxaa kahoreeyay Xaflad labasano kahor ay qabteen Ururkaan Amalu-Umah waxayna kusoo bandhigeen kitaab gaaraysa kun oo ay ku sameeyeen Dayactir  Mar-aan wax kaweydiinay Xubin kamid ah Dumarkii howshaan u kacay waxay noosheegtay in ay kadanqadeen kitaabkii Alaah oo Tukaafadaha Iyo Meelo Badan oo aan uqalmin Yaala ama Bidaya .

Midkamid ah Macalimiinta Qur’aanka ayaa sheegay in Kitaabtaan dayactirka lagu sameeyay  uu ka  adagyahay kuwacusub  waxayna balan qaadeen in ay lashaqaynayaan Ururka Amal-Umah .

Gabagabadii Xafladaan waxaa kahadlay Culima Awdiin Waxayna amaaneen Dowrka ay dumarku kuleeyihiin Bulshada dhaxdeeda  iyagoo u duceeyay Shaqada qiimahabadan  ee ay qabteen .

Dhanka kale Dumarka Kumidaysan Amalu -Umah ayaa balanqaaday In ay siiwadi doonaan Koryeelida Kitaabka Allah.

DSC_1058 DSC_1052 DSC_1051 DSC_1050 DSC_1039 DSC_1040 DSC_1049