Ku dhowaad 130 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho waxay imtixaameen kitaabkii koowaad ee mashruuca barakaysan ee xifdulmutuun. Kaasoo looga gol leeyahay in dhalinta wax barataa ay ka dhismaan aasaaska barashada diinta islaamka.
Mashruucaan oo ay isku dubariday Minhaaj Galdogob ayaa diirada saaraya ardayda macaahida, iskuulada iyo jaamacaadka waxaana qorshaysan in aradaydu sanadkaan ku xafidaan in ka badan 10 matni oo funuunta kala duwan ah.
Faniga tajwiidka oo loo doortay in lagu bilaabo mashruucaan ayaa waxaa dhamaaday matnigii koowaad oo ah kitaabka tuxfatul-adfaal, waxaana isla galabnimadii ku xigtay ee jimcaha bilowday matnul-jazariya, kadibna waxaa looga weecan doonaa inshaa allaah fanni kale.
Ugu danbayn mashruucaan ayaa garabsocda xalaqaadka masaajida wuxuuna baxaa maalmaha khamiista iyo jumacada wuxuu gaar la yahay in xooga la saaro xifdiga iyo fahamka oo wada socda.