+252 90 7798232 [email protected]

Muslim Somali jecel Qabyaalad diid ( Abu Cadaala)

Musharaxan maamuuska mudan isaga isma soo mutaxin ee waa lasoo sharraxay.

Waa qodobka ugu horreeya ee uu kaga duwan yahay  musharaxiinta. Qabiil & urur gaar ahna masoo sharraxin.

Waxaa ka codsaday inuu madaxweyne noqdo hadii  codka Somali siiso,  dad akhyaar ah oo badan oo badan oo u damqaday  dar xumada & dayaca dadkooda daashaday, in badanna ku taamayay  inay mar uun helaan nin sababtiisa  Somalia Alle ku samata bixiyo, oo ka saara  dulliga, dacdarrada & dowlad la aanta .

waxay  fadhiyaan,  fadhiyaan  u fakaraan oo falanqeeyaanba, waxay  farta iskula fiiqeen inuu ninkaan yahay madaxweynaha Somali u baahan tahay ilaahay idankii.

 

Markii ay la fariisteen una soo jeediyeen samata bixinta dadkiisa & dalkiisa, una bayaamiyeen inuu mudan yahay, istaahilo, cid kaga haboonna aysan jirin inti ogaalkooda ah, Allaah baa xaqiiqda garanayee.

Gaashaanka ayuu u daruuray : war ma ihi  wanaagga aad ii maleyneysaan, waan ka liitaa inaan umad badbaadiyo,  aan idinla baadi goobo nin u qalma, aniga teyda ayaan meel u haynin mana doonayo in umad dhan barri allaah wax iga weydiiyo.

Umadahaaba kala darane waaba tiiyoo soddonsano ku dhawaad silica ku jirtay oo ee ay daashadeen:

dagaal sokeeye, daneyste qabiil ku awr kacsada, siyaasi sirqa ah oo sambab hadii meel suro somaloo dhan siisanaya, ma seeteyste wadaad  ahoon ka sarriigan qabyaaladda oo tolkii ku sar goosta, ganacsade arxan daran oo sicir bararka saraadiya.

Waxaan xusuusanayaa geeraarkii c/laahi suldaan timacade oo aan oran karo wuxuu abwaan qabyaalad diid ahaa wuxuu tiriyay 64kii:

Rag sagaashanka dhaafayoo,

Gadhka seynta gamaankiyo,

Kebed soohan lamodoo.

Sambab loo lulaayoo,

Baruur saafiya moodoo,

Lasii jeedinayo.

 

In soomaali la laayoo,

Dayaaraad sabbeeyiyo,

Lagu saydhay rasaas aan,

Saddex qaylo maqleynoo,

Sanqadheedii baxaysoo,

Suubanoow baarlamaankuna,

Saalax waata ku eegay,

Ninna daah kama saarna ,

Umaddeenna sidaas ahee,

Isticmaar salabeeyayee,

Leegana seedaha goysay

Nin siraa hodmi maayo.

Saancad baa ka ifayoo ,

Sun baa manta qarxeysee,

soomaaliyeey ka fogoow.

 

Sababteeduna waa ,

subaxii arbacaad,

nimankeynu wax siinayee,

sabbixiyo watiiniyo,

subxaanaad lagu dhaarshayee,

kitaab saaray gacmaha Iyo,

maseeteyste wadaad ahoo ,

subxaanow watacaale,

sangafuur qabad siiyayoo,

sidaa weeye lahaa, iyo

kuwii baa dhex salooganoo,

nasrigu waa sir ilaah,

ninkuu doonaba siiyoo,

haanti waa laga siibay ,

saabkuna dhaansami maayo.

 

Walaalayaal madaxnimadu ma wax sahlan baad moodeen, hada waxaan sawiranayaa anigoo xilki

Umadda la ii dhiibey, waxaa i hor imanaya masuuliyadda isaaran baaxadda ay leedahay .

 

Waxaan garawsanayaa in dadka, dalka, duunyada  & duur joogtaba wax rabbi iga weydiinayo.

1 dadka waxaa masuuliyad iga saarantahay inaan ilaaliyo diintooda. Naftooda, maalkooda. Cirdigooda, & caqligooda.

 

Dadku waxay leeyihiin agoon, Naafo, dad buka, dad waalan, masaakiin, qaxooti, xeryaha dhexdoodada ku silicsan, haween carmal ah. Oo aan horjooge lahayn

 

Dadkaas oo dhan aniga ayay isugayaan daryeel iga rabaan bacdallaahi.

Kuwii dalka dibadiisa u cararay ee xeryaha qaxootiyada ku jiray daafaha caalamka bal eeg iyana yaa madaxweyne u ah soo aniga ma ahan?!

 

Kuwa badaha ku le’anaya ka waran soo aniga masuul kama ihi, seen hurdo ugu ladaa amase aan caloosha u buuxsadaa?

 

taariikhdi sayidinaa cumar waxaan ka akhriyay inuu calooshiisa markay gaajo la shanqarto uu la hadli jiray kuna oran jiray : qayli ama ha qaylinin wallee dhargi maysid ilaa ay ka dhargaan carruurta muslimiinta

 

Dadka waxaa ku jira kuwo qalloocan kuwaas  wax usheeggooda, edbintooda, & in laga ilaaliyo umadda taladeeda inay marin habaabiyaan ninka laga rabo soo aniga maahan?

 

2 dhulkaan la nabaad guurinayo oo dhirtiisi la shidayo soo aniga masuul kama ihi? Jidad xumada darted shilalka u dhacaya dadka ku le Anaya soo aniga masuul kama ihi?

 

Wallaahi hadii raaskiinbooni gaari shil ku galo, ama raas caseyr taayer oga banjaro waxaan ka baqanayaa in rabbi igu yiraahdo maxaad wadadada ugu hagaajin weyday?

 

Bal baddaan baaxadda leh eeg yaa ka masuul ah qashinka lagu shubayo waxa kalluun ku baaba’aya

Soo aniga maahan?.

 

3 Duunyada & duur joogta waad ogtihiin inuu xaq weyn siiyay islaamka, xaqaas qofka oogidiisa laga rabo soo aniga maahan.  waatuu sayidinaa cumar oran jiray haday baqal baqdaad ku turaanturrooto waxaan ka baqayaa in rabbi igu yiraahdo maxaad jidka ugu hagaajin weyday cumaroow.

 

Bal eeg  xayawaanka lagu gabood falayo sida kuwa la rarto awrta, dibida, dameeraha, soo ma ogid in neef geela nabi muxammad SC usoo dacwooday?

Waxaan idinkugu soo koobi karaa madaxnimada inay tahay inaad wakiil oga noqoto rabbi dhulka aad xukunto & waxa ku nool oo aad u maamusho sidii uu isaga rabay ee xaqa & cadaaladda ahayd. Bal ila eega aayaddaan soo koobeysa intaas oo dhan.

يَا دَاوُودُ إِنَّا جَعَلْنَاكَ خَلِيفَةً فِي الْأَرْضِ فَاحْكُمْ بَيْنَ النَّاسِ بِالْحَقِّ وَلَا تَتَّبِعِ الْهَوَى فَيُضِلَّكَ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ إِنَّ الَّذِينَ يَضِلُّونَ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ بِمَا نَسُوا يَوْمَ الْحِسَابِ (26)

Akhyaarti iyana waxay yiraahdeen  iska daa cid kale noo diri maysid, kumana dhaafto arinkaan, allaahna oga baq umaddaada badbaadinteeda, oo yaan barri lagu weydiinin wax aad qaban kartay inaad dayacday.

Nin inta aad sheegtay garanaya oo ka murgaya waa midkaan raadineynay.

Wuxuu yiri ma iloowdeen xadhiithki  saxiixul bukhaariga  & muslimkaba ku yiillay inuu suubanaha  yiri SCW  waxaad ku dadaali doontaan madaxnimada  maalinka qiyaamana waxay noqon doontaa qoomamo & shalleyto .

Waxay ku yiraahdeen waa runtaa oo waa sax laakiin waxaan ku xusuusineynaa 2 arimood

Mid waa xadiithka  aad keentay oo yiri waad ku dadaaleysaan. taasi macnaheedu waxaa weeye ninkaan

ku dadaalin inuu madax noqdo ee lala soo doonto kana bixi kara  kuma jiro kuwa shalleynaya.

Mida kale waa   xadiithki C/raxmaan binu samura oo oranayay: “c/raxmaan binu samuroow ha weydiisan madaxnimo  hadii su aal aad la timid laguugu siiyo waa laguu talo saari- yacnii lagugu tagi  mayo- hadii weydiisi la aan laguugu siiyana waa laguugu kaalmeyn”.

Xadiith kalena waxa uu tilmaamay qofka neceb madaxnimada inuu ku haboon yahay

“وتجدون خيار الناس في هذا الشأن أشدهم له كراهة ”

البخاري ومسلم

lakin mararka qaar waxaa u bannaan qofkii aan la aqoon una arka inuu bulshada badbaadin karo, dan gaar ahna aan ka lahayn, inuu isa soo  bandhigo sida qisada Nabi Yuusuf SCW ku xusan.

(اجعلني على خزائن الأرض)

adigana waa lagula soo doontay.

Wuxuu yiri taas waan ka qancay lakin  walaalayaal waxaan ahay nin  xoogsada, xoolo yaroow ah xalaal quute ah, markii umadda xilkeeda aan qaado xoogsigi waan ka harayaa xoolahi umadda ka dhexeeyay inaan wax ka cuno ayaa imaneysa, waxaana ka baqayaa Xaddiithki  Khowlah al- ansaariyah ee bukhaariga ku qornaa:

“إن رجالا يتخوضون في مال الله بغير حق فلهم النار يوم القيامة”

Rag baa waxay iskaga takri falayaan xoolaha ilaahay xoolaha umadda- naar bay leeyihiin maalinka qiyaame.-

Waxay ku yiraahdeen waxaa kaaga bannaan inti adiga & reerkaaga ku kaafisa oo biil ah, sidi abubakar RD loogu qoondeeyay Ma abubakar baad ka fadli badan tahay?.

 

Rag ganacsato ah baa waxay ku yiraahdeen: inagaa kuu xoolo goyneyna shirkadeehanana kuugu dareyna saami oo umaba baahnid xoolaha umadda ka dhexeeya  ee maxay kula tahay ?

Wuxuu yiri :  maya taas ma ogoli oo waxaan ka baqayaa inaan noqdo af wax cunay xishoo oo qalbigeyga xagiina u iisho oo aad dadka iga xigsataan, illaa waxaa tihiin ragii biilka reerka hayay e,

aniguna waxaan doonayaa dadku inay ii sinnaadaan. Waxaan qaadanayaa ra’yigi ahaa in biil la ii qoondeeyo isagaa daliil wata oo asxaab looga dayanayaaye.

Waano & dood dheer ka dib isagoo aad u dhibsanaya ayaa lagu qanciyay in laga dhigo musharraxa xilka madaxnimada Somalia 2016 ka.

wuxuuna yiri saacadaan laga bilaabo waa inaad  iigu yeedhaan  magacan :

Muslim Somali jecel Qabyaalad diid  ( Abu Cadaala)  sidii baa lagu guddoon saday.

Hadaba musharrax Qabyaalad diid waa nin Caynkee ah.

1 waa nin da’diisu ay ka sarreyso 40 kontonkana aan gaarin .

(حَتَّى إِذَا بَلَغَ أَشُدَّهُ وَبَلَغَ أَرْبَعِينَ سَنَةً)

2 waa nin tiirri ah oo itaal alle siiyay.

(وَزَادَهُ بَسْطَةً فِي الْعِلْمِ وَالْجِسْمِ)

3 waa nin dabci wanaagsan  oo dad la dhaqan leh.

(وَإِنَّكَ لَعَلَى خُلُقٍ عَظِيمٍ(

4 waa nin diinta ku weyn tahay  jecelna inuu ku dhaqmo.

(ذَلِكَ وَمَنْ يُعَظِّمْ شَعَائِرَ اللَّهِ فَإِنَّهَا مِنْ تَقْوَى الْقُلُوبِ)

5 waa nin uu adduunyo jacaylka ku yaryahay oo aakhiradu ku weyn tahay.

(تِلْكَ الدَّارُ الْآَخِرَةُ نَجْعَلُهَا لِلَّذِينَ لَا يُرِيدُونَ عُلُوًّا فِي الْأَرْضِ وَلَا فَسَادًا وَالْعَاقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ)

6 waa nin danta caamka ah ka hormariya tiisa gaarka ah.

) وَيُؤْثِرُونَ عَلَى أَنْفُسِهِمْ وَلَوْ كَانَ بِهِمْ خَصَاصَةٌ(

7 waa nin geesi ah oo wixii xaq ah aan laga loodin Karin.

(وَلَا يَخَافُونَ لَوْمَةَ لَائِمٍ ذَلِكَ فَضْلُ اللَّهِ يُؤْتِيهِ مَنْ يَشَاءُ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ)

8 waa nin han sare leh oo ku taamaya inuu Somali meel sare gaarsiiyo.

9 waa nin  dhageysta dadkiisa  talada qumanna qaata.

(فَبِمَا رَحْمَةٍ مِنَ اللَّهِ لِنْتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنْتَ فَظًّا غَلِيظَ الْقَلْبِ لَانْفَضُّوا مِنْ حَوْلِكَ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الْأَمْرِ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ(

10 waa nin wadanku ku dheeryahay oo jecel dalkiisa.

11 waa nin qabyaaladda aad u neceb  sida abtirkiisaba ka muuqata.

Waa nin neceb eexda jecel garsoorka & cadaaladda. 12

13 waa nin aad u neceb musuqmaasuqa, laaluushka wax is daba marinta.

14 Waa nin gumeysiga neceb oo aan dooneyn inuu shisheeye  u yeeriyo.

15 hal ku dhegiisa waa Somalia Somali baa wax laga weydiinayaa.

16  waa nin amaano badan, karti badan, ma daale ah  daacadna ku shaqeeya.

إِنَّ خَيْرَ مَنِ اسْتَأْجَرْتَ الْقَوِيُّ الْأَمِينُ))

17 waa nin  xikmad badan oo aftahan ah fasaaxad leh.

(وَشَدَدْنَا مُلْكَهُ وَآَتَيْنَاهُ الْحِكْمَةَ وَفَصْلَ الْخِطَابِ)

18 waa nin hadal macaan dadka soo jiita, ficilkiisaana kasii macaan hadalkiisa.

19 waa nin dulqaad badan u leh dadka isaga kasoo horjeeda cadaaladna kula dhaqma.

وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآَنُ قَوْمٍ عَلَى أَلَّا تَعْدِلُوا اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى

20 waa nin aad u akhriya siirada suubanaha SCW& khulafaa’ u rashidiinka oo jecel inuu kaga daydo habka umadda loo maamulo.

21 waa nin garanaya dhaqanka somalida suugaanteeda & sooyaalkeeda, gaar ahaan wuxuu jecel yahay gabayadii Sayid maxamed Cabdulle xasan  taariikhdii Darawiishta, & SYL

Wuxuu aad u jecel yahay gabaygii sayidka ee ahaa

niman yohow damiinimada, waalagu dulloobaaye

dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
dagaalki nasaarada anaa daalib ku ahaaye
dalka malihid anigaa ku iri, doora weynaha e

daliilkii rasuulkii anaa,doonayoo helaye
anaa diiday maantuu lahaa, deeqdan iga hooye
diinkayga anigaan ku gadan, dabiqii naareede
anan labada da-rood tan hore, darajo moodayne

wuxuu kaloo aad u jecel yahay gabaygi abwaan suldaan timacade:

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashadeey, degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
Dadka Kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Allaahe
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

wuxuu kale oo aad u dhageystaa gabaygii cismaan keena diid

Maanyari Soomaali waa meheradeedi

Maslaxadeedii garanweyday iyo marinkii toosnaaye

Macnahay ku noolaan lahayd, maluhu siin waaye
Maamuus la’aan lagu waday moodayaan nolole
Miis-xumida haysa iyo dulligu, waw macaanyahaye
Mabsuud weeye badidood waxay, mudanhayaan ceebe
Muslinimada sida loo mud-muday, kama masayraane
Maqaan-xumida waxaa joojay waa, muran dhexdoodaahe
Iyagaa isu muuqanahayee, moog adduunyada e

Magan bay shisheeye u yihiin, meel la joogaba e
Maalin noolba nimanbaa ku fala  waxay ka maagaane
Ragii madaxdu ka xumaato waa marin habaaye

Xagga heesaha wuxuu u dheg dhigaa haddii musica laga reebo heestii oraneysay

Hawlaha Arlada hadii lagugu aamino

Umada u shaqeeyiyo adeegaha lagaa dhigo

Ha is odhan cidi kuma  arkaysee, afka buuxso

ha is odhan cidi kuma arkaysee, ina adeerso.
Nin xilaqaaday eed qaadyee , hoy hooy
Hawlaha Arlada hadii lagugu aamino
Umada u shaqeey iyo adeegaha lagaa dhigo
Awood iyo sinaaan Eex la’aan ayaa lagaa rabaa

Ha is odhan cidi kuma arkaysee, Aqalo jeexo
ha is odhan cidi kuma arkaysee, afka buuxso.

Ha is odhan cidi kuma arkaysee, Shaqo ha aadin
ha is odhan cidi kuma arkaysee, qaranka iibso.….

Wuxuu kaloo jecel yahay inuu dhageysto

Nin lagu seexdoow ha seexan ha seexan wuxuu yiri anigoo yar baan hooyaday in badan ka maqli jiray heestaas.

Nin lagu seexdoow ha seexan

Xilbaad siddaa ha seexan

Soo jeed oo ha seexan

 

Xxxxaga aqoonta  & waxbarashadiisa

 

1 waa nin Qur’aanka, tafsiirka ,& xadiithka, in door ah ka garanaya.

2- xagga maadiga waxa uu bartay  cilmiga dhaqaalaha & maamulka.

3 wuxuu ku hadlaa luqadaha carabiga & englishka somaliga  ka dib .

 

Musharrax qabyaalad diid oo soo bandhigay waxa uu qaban doono hadii la doorto.

 

La soco qeybta 2aad

 

  1. Maxamed Gaboobe

Kusoo dir  wixii fikrad ah

Email: [email protected]