Culimad Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ugu magaca dheer ayaa Xalay oo bishu ahayd 7/04/2016 waxay nadwo diini ah ku qabteen Masjidka Al-huda Ee Garowe Waxaana Halkudhegu Ahaa (Bayaaninta Xaaladaha Taagan Ee Kusalaysan Manhajka ) waxaana Ugu Horayntiiba Lagu soo dhaweeyay Sh.Abdi Naasir Xaaji Axmed waxaana sheekhu Ku dheeraaday In uu Cadeeyo Manhajka Saxda Ah Ee Ahlu Sunah Wal Jamaac Isaga oo qiray in maantay ay Jirto duulaanno badan oo lagu soo qaaday Umadda Islaamkaa .
Waxaana sheekhu Cod Dheer Kusheegay In Maantay umadda Soomaaliyeed ay kujirto Halisbadan Ayna Ugu Khatarsan tahay Tan Umadda Diinteeda Iyo Dalkeeda oo Looga qixinayo ee kusalaysan Shaati Been ah Oo Loogu sooga banayo Diinta Islaamka .
Sidookale waxaa Kamid Ahaa Culimadii Caawa Nadwada Kahadashay
- Sh Yuusuf Cabdi Casiis
- Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf
- Sh Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed
Waxaana Culimadu Bayaanisay Baahida Looqabo In umadda Loo Turo Islamarkaana La Ilaasho Midnimadeeda Iyo Wadajirkeeda Guud .
Waxaana Ugu Danbayntii Culimada Laweydiiyay Su’aalo Badan oo kusaabsan Sheegashada Alshabaab Ee Ah In Ay Puntland weerarka Ugu sooqaadeen in ay Kahirgaliyaan Shareecada Islaamka Iyo Su’aalo Kale Oo Muhiimah .
Hooska Dhagayso Codkii Culimadda .
Codka Culimada
Qayntii Su’aalaha
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Al-Minhaaj Puntland