Waxaa caawa oo jumce ah ka bilaabatay magaalada boosaso ee xarunta gobolka bari gaar ahaan masjidka alrowda nadwadii sanadlaha ahayd taasoo sanad walba laqaban jiray xilligan oo kale, nadwadan ayaa noqonaysa midi afar iyo tobnaad.
Nadwadan ayaa waxaa kazoo qayb galay culimo waaweyn oo laga yaqaan gayiga soomaalida oo ay kamid ahaayeen sheikh Abdinaasir Xaaji Axmed, Sheikh Maxamud Xaaji Yusuf, Sheekh Daahir Aw Cabdi, Sheekh Max’ed Macallin Axmed iyo Sheekh Maxamud Xaliiko.
Nadwadan oo ahayd mid laga socday gudaha dalka intiisa badan iyo meel badan oo caalamka kamid ah ayaa cinwaanka sanadkan loogu magac daray waxa uu ahaa: “Umaddu waxay udhaxaysaa dhabaatooyin ka haysta dhinaca akhlaaqda iyo kala taga dhexdooda ah”.
Qaybta hore ee nadwada ayaa caawa ku saabsanayd furitaanka nadwada iyo soo dhawaynta culimada waxaan ka hadlay furtiaankii nadwada Sheekh Xasan Xuseen waxana uu dadka ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan culimada soona camiraan masjidka,sidoo kale waxaa isaguna kalmad soo jeediyay sheikh daahir ow cabdi oo sheegay inay nadwadani tahay faa’iido weyn uleedahay bulshada laguna daweeyo sanad walba dhibaato markaa taagan, sheekhu waxa uu sheegay in sanadkii hore laga hadlay dhibaatada shiicada wixii culimadu ka hadlaysayna la arkay, sheekhu waxa uu intaas ku daray in ay jiraan dhibaatooyin badan oo umadda haysta una baahan in ladaweeyo waxana kamida in umadda la isku keeno, sheekhu waxa uu uduceeyay culimada waqtigooda qaaliga kuso bixisay inay umadda ufaa’iideeyaan dadkana waxa uu ugu baaqay inay masjidka soo camiraan,kana faa,iidaystaan culimada.
Waxaa kalmadii ugu dambaysay ee furitaanka qaatay Beeldaaje Cali Faarax oo kamid ah isimada gobolka bari ,beeldaajuhu waxa uu umahad celiyay culimada,waxana uusheegay inay culimadu mar walba umada usoo bandhigaan kana daweeyaan mowduuc munaasaba oo markaas taagan ,waxana uu sheegay in umaddu ubaahantahay in laga daweeyo dhanka akhlaaqda, sida qaadka,culimadana waxa uu uga mahad celiyay dadaalkooda waxana uu alle uga baryay inuu kabaal siiyo camalkooda.
Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyay Sheekh maxamud xaaji yuusuf oo galay muxaadaradii ugu horraysay oo cinwaankeedu ahaa “Akhlaaqda wanaagsan “
Sheekhu waxa uu si xeel dheer uga hadlay akhlaaq wanaagsan iyo faa’iidooyinka laga helayo isagoo hadalkiisa gundhig uga dhigay hadalkii Nebiga SCW ee macnihiisu ahaa “waxaa la iisoo saaray inaan dhammaystito akhlaaqda teeda wanaagsan”.
Sheekhu waxa uu umadda kubooriyay inay ka dheeraadaan akhlaaqda teeda xun sida xanta,cayda,jaasuusnimada,dulmiga,tuugnimada iwm, sidoo kale sheekhu waxa uu ugu baaqay inay dadku ka caado yeeshaan akhlaaqda wanaagsan isagoo sheegay in qofka akhlaaqda wanaagsani uu ku kasban karo iimaankiisa oo xoog bata.
Sheekhu waxa uu sheegay inay jiraan waxyaalo badan oo uu qofku ku kasban karo akhlaaqda wanagsan waxana kamida caqiidada wanaagsan, halka haddii qofka caqiidadiisu inxiraaf ku dhaco ay akhlaaqdiisu hallaabayso, sidoo kale sheekhu waxa uu ku daray in lagu kasbado akhlaaqda wanaagsan ducadda iyo in qofku Alle waydiisto inuu akhlaaqdiisa wanaajiyo, sidoo kale inuu qofku nafta ku dadaalo,hammigiisana uu kor uqaado.
Sheekhu waxa uu tilmaamay qaar kamida akhlaaqda wanaagsan sida: sabirka,dhowrsanida,caddaaladda iwm.
Sheekhu waxa uu intaa kudaray haddii umaddu akhlaaqdeedu wanaagsantahay inay aakhiro iyo aduunba hor marayso sidoo kale haddii bulshada akhlaaqdeedu hagaagto waxa ay noqonaysaa bulsho isku xiran oo is raacsan.
Ugu dambayn sheekhu waxa uu umadda somaliyeed iyo muslimiinta oo dhan alle uwaydiiyay inuu kalmadooda mideeyo…
Dhagayso Muxaadaradii Sh.Maxamuud Uu Kajeediyay Nadwadii 14aad ee boosaso.
Dhagayso Codka Furitaanka Nadwada.
Nuur Jaamac Aadam
Xafiiska warwaafinta Alminhaaj Puntland