+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa Cawa Masjidka Weyn Ee Alrowda Bosaso Lagu Soo Af meeray Nadwadii 14aad ee sixiriir ah loogu qaban jiray masjidka Alrowda Bosaso  waxaana Xiritaanka Kahor Muxadaa daro Soo Jeedshay Sh .Axmed Cabdi Samad Cabdulle

oo cinwaankeedu ahaa “ caqabada hortaagan midnimada umadda iyo sida looga gudbi karo” iyo baaq ay soo saareen culimadu.

Sheikh axmed cabdisamad ayaa sheegay in sababta ay mowduucan ugu hadlayo ay tahay ahmiyadda uu leeyahay iyo sida loogu baahanyahay in la xaqiijiyo inay umaddu midowdo,sidoo kale in lafahmo sababta keentay in lakala tago.

Umaddani waxa ay ka midaysantahay dhinacyada diinta,dhaqanka,afka,isirka iwm , waana dad dhinac walba isku mid ka ah, waxaana xusid mudan halka somalidu isku raacsantahay dhammaanteed waa dhinaca diinta ayuu yiri sheekhu.

Haddaba maxaa hortaagan inay umadda soomaaliyeed midoobaan?

Waxaa jira waxyaalo dhowr ah oo asaas u ah inay somalidu isu iman waydo waxaana ka mid ah inay fahmi waydo halka ay uga timid mushkiladda kala kaxaysay,sababtoo ah ma muuqato cid toos u hortaagan inay somaalidu isu timaado ee mushkiladdu waa dhexdooda, faragalin shisheeye waa jirtaa oo maahan wax la inkiri karo lkn waxaa xusid mudan inay yartay saamaynta ay kuleedahay haddii ay somalidu isu imaanayso oo danahooda ka tashanayso.

Caqabadda labaad waxa weeye qabyaaladda oo runtii noqotay meel laga istaaro somalida,tusaale ahaan ninkii doonaya inuu mashruuc ku fushado waxa uu kazoo maraa dhanka qabyaaladda  iyo kicinteeda.

Waxaa iyaduna kamid danta shaqsiga ah oo laga hormariyo midda guud,taasoo inta badan kala dhantaasha midnimada umadda , sidoo kale waxaa qayb ka ah lataliyayaasha xun xun .

Warbaahinta ayaa iyaduna saamaynta ugu xoogga badan ka qaadata kala gaynta umadda iyada oo baahisa khilaafka umadda,waxayna buunbuuniyaan abtirka gaar ahaaneed,deegaan hoose, sidoo kale waxa ay niyad jab ku ridaan shacabka iyaga oo inta xun sheega.

Hadda maxaa xal u ah inay umaddu midowdo?

  • In lawalaaleeyo umadda mashruucaasna lagu baahiyo umadda dhexdeeda
  • In kor loo qaado wacyiga ummada lana tuso dhibaatada haysata
  • In la helo dad xul ah oo isku xiran , iskuna kalsoon, lagana helo deegganada oo dhan
  • In warbaahintu kaalin wayn ka qaadato isu keenidda umadda loona taba baro
  • In somalidu ay iska aragto mushkiladda xarakada alshabaab
  • In qabiil walba la heshiiyo qabiilka ay is hayaan sidoo kale ay heshiisiiyaan kuwa kale
  • In la sameeyo guddiyo shacabka ku hogaamiya midnimada
  • In maamulada dhisan la islaaxiyo loona naseexeeyo

Sheekhu waxa uu umadda ilaahay uga baryay inuu kalmadooda mideeyo qalbiyadoodana isu soo jeediyo.

Intaas kadib Waxaa lagalay Qaybtii Xiritaanka Nadwada Waxaana Uguhoraynba Faahfaafin Kabixiyay Kulaneemeedkaan Mudadii Uu Socday Iyo Marxaladihii Uu soomaray Sh Xasan  Cabdullahi Sheekh Xasan  Waxaana Uu faahfaahin dheer kabixiyay Nadwada Isagoo Sheegay In ay udhacday Sidii Loo qorsheyay .

Waxaa Xaflada Dhankoda Hadalo Dardaaran Iyo Dhiiri galin Iyo Waliba Mahadcelin ah Soo Jeedshay Isimo Ganacsato Iyo Mas’uuliyiin kaloo badan .

Intaas Kadib Waxaa Lagusoo dhaweeyay Cabdi Raxmaan Aw Ciise Oo Akhriyay Warmurtiyeed Kii Nadwada
Hooskadaawo:  Qoraalkii  Warmurtiyeedkii,

Bayan

Daawo Hadaladii Mas’uuliyiinta Iyo Culimada

Muxadaradii Qiimaha Badnayd Ee Sh.Axmed Cabdi Samad

DSC03074

DSC03077

DSC03078

DSC03080

DSC03084

DSC03087

DSC03088

DSC03091

DSC03092

DSC03093

DSC03096

DSC03097

DSC03098

DSC03099

DSC03101

DSC03102

DSC03104DSC03072

DSC03105

DSC03106

DSC03107

DSC03108

DSC03109

DSC03110

DSC03111

DSC03112

DSC03113

DSC03117

DSC03118

DSC03119

DSC03125

DSC03126

DSC03127

DSC03128

DSC03133

DSC03139

DSC03144

DSC03145

DSC03147

DSC03148

DSC03150

DSC03152

DSC03154

DSC03155

DSC03157

DSC03158

DSC03159

DSC03160

DSC03161

DSC03162

DSC03167

DSC03168

DSC03170

DSC03176

DSC03178

DSC03180

DSC03181