+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa Maalintii labaad gashay Nadwo cilmiyeedka ka socota Masjidka Abuubakar Ee Degmada Buurtinle. Nadwadan ayaa waxaa si maqal iyo muuqaal ah u tabinaya Shabakada Halgan.net.

Halgan.net ayaa waxaa uga barateen in ay duruusta iyo nadawaadka diiniga ah ay si maqal iyo muuqaal ah idiinku soo gudbiso.

Howlwadeenada Halgan.net ayaa ku sugan Degmada Burtinle si ay maqal muuqaal ah idinka soo tabiyaan Nadwo Cilmiyeedka shalay ka bilaabatay Masjidka Abubakar  Ee Degmada Buurtinle. waxaa caawa muxaadarada jeedinaya Sh Maxamed Axmed Faarax Dabiixi

Sidoo kale waxaad si Live ah uga dhageysan kartaa Radio Halgan Live adiga oo telkaaga ku soo dajisan kara App-ka Radio Halgan Live. iyo Radio Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland.

Nadwadan ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona culumo si weyn looga yaqaan Soomaaliya waxaana ay si rasmi ah u bilaaban doontaa hadii alle idmo 28-30 Rajab 1437 ku beegan 5-7-May 2016.

Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah uu soo tabin doonta Inshalaah Duruusta iyo Nadwooyinka Culumada waxaana ay bahwadaag ku yihiin faafinta Dacwada Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland iyo Radio Al-Nuur oo ka howlgala magaalada Muqdisho lagana dhageysto gobalada Koonfureed.

Idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ay xarumo gaaraya 13 ku leedahay Puntland waxayna baahisaa duruusta Diini ah iyo adeega bulshada. Waxaa kale oo aad si sahlan ugu shuban karaan Radio Halgan Live telkooda gacanta Radio Halgan Live Google Play hadii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android hadii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store .waxaad ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah maaha . Halkan ka Dajiso Radio Halgan Google Play Halkan ka Dajiso Radio Halgan Live App Store

Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qorRadio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin 

1 2 DSC_0341 DSC_0345 DSC_0347 DSC_0352 DSC_0353