+252 90 7798232 [email protected]

Xafladaan oo ahayd Mid Si heer sare ah Loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo qayb galeen Macalimiin Culima Aw diin Xubno Kasocda Mu’asasada Alminhaaj Bahda Abwaa Niinta Iyo Marti Sharaf  Kaloo Badan .

Machadka Daarul Qalam Oo Lafuray Sadex Sano Kahor ayaa Mudadii Uu Jiray GAARAY Guulo wax ku ool ah waxaana markiisii hore lagu furay hal qol iyo 10 Arady Hadana waxaa Uu Dagan Yahay Machadku Dhisme Weyn Islamarkaana Waxaa Wax Kabarta 110 Arday Oo Wada Dumar ah .

Mudadii Ay Socotay Xafladu waxaa Ardayda Laweydiiyay Su’aalo Kakoobnaa Cilmigii ay barteen halkaas oo Gabdhuhu Soo jeedsheen Cilmigii ay ka dhaxleen Mah-hadka Daarul qalam .

Machadka Daarul Qalam Waxaa lagu  Bartaa Culuumta Shareecada Islaaka   waxaana dhamaan Martidii Goobta kahadashay ay Qireen Machadka Daarul Qalam Iyo Dowrka Lixaadka Kaleh ee uu kaga jiro Bulshada

Ugu danbayntii waxaa Goobta Mahad celin Kasoo Jeedshay Macalim Maxamuud OO Ah Maamulaha Daarul Qalam  Waxaana Uu Bulshada U soo Jeedshay In Ay Kaqayb Qaataan Dhisme Cusub Oo Machadku Gooni U leeyahay Waxaana uu xaqiijiyay Maamule Maxamuud In ay  ku gudajiraan Habkii Uu Machadku U yeelan lahaa Dhisme Cusub  Islamarkaana Halkaas ayuu Ku soo Xiray Xafladii

Nuur Jaamac Aadan Garowe

6 5 7 24 4 3 2 1