Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kasocday Masjidka Al-Huda Garowe Tartanka Qur’aanka Kariimkaa Degmada Garowe Ee Caasimada Dowladda Puntland waxaana ku tartamayay Inta badan Dugsiyada Qur’aan Waxaana kasoo qayb Galay Arday Garaysa 89 Iskugu Jira wiilal Iyo Gabdho waxayna kakala socdeen 16 Dugsi Qur’aan.
Gudigii Qaadayay tartankaan ayaa kawar bixiyay farqiga u dhaxeeya sanadadii hore iyo sanadkaan waxayna cadeeyeen in is badel weyn oo dhanka horumarka ah ay ardaydu qaadeen markii loo eege sanadadii hore .
Xafladaan Qur’aan akhriska Waxaa kasoo Qaybgalay Culima Awdiin Isimada Dhaqanka Mu’asasada Alminhaaj Waaridiin Iyo Marti Sharaf kaloo badan Dhamaan mas’uuliyiintii kala duwanayd ee kahadlay Xafladda ayaa qiray Muhiimada ay leedahay Xafladahaan oo kale Iyagoo Dhankakalena u Mahad Celiyay Macalimiintii Iyo Ardaydii Waqtiga dheer kusoo bixiyay Diyaarinta Tartankaan.
Sh Mukhtar Axmed Farax Oo Kuhadlayay Mamulka Mu’sasada Alminhaaj ayaa kawarbixiyay Danta laga leeyahay Insanadwalba Lagu Tartamo Qur’aanka waxaana uu sheegay in ay tahay Sidii loo helilahaa dad xifdisan Qur’aanka islamrkaana Dhaqan u yahay Kitaabka Allah .
Ugu Danbayntii Waxaa Lashaaciyay Natiijada Kalimihii ay ardaydu kala galeen waxaana Waxaana Ardaygii Galay Kaalinta 1aaw Lasiiyay Abaal Marin gaaraysa $200 halka ardaydii ka gashay kaalimaha hore 20jus /5jus lasiiyay Abaalmarimo lacageed oo kaladuwan.