Badar waa dagaal loogu magac daray goobtii uu dagaalku ka dhacay , dagaalku waxa uu dhacay 13 March 624 Miilaadiga oo ku beegnayd 17 Ramadan sanaddii labaad ii Hijradii Rasuulka ﷺ , Muslimiinta waxaa hogaaminayey Nabi Muxamed ﷺ, Gaaladana waxaa hogaaminayey Camr Binu Hisham Binu Muqira Al-Makhzumi oo ku magac dheeraa AbuJahal, dagaalkuna wuxuu ka dhacay Badar-Koonfurta magaalada Madina.
Sababta Dagaalka :
Muslimmintu waxay ka horatagayeen oo jidka u galeen safar Qurayshi leedahay oo ka timi dhinaca Shaam, waxaana Muslilmiinta ku dhaliyey arinkaas maadaama ay ka soo qaxeen xoolahoodii iyo hantidii ay ku lahaayeen Makka ayay doonayeen in ay hantidaan la wareegaan sida iyagaba hantidoodii loola wareegay, loona dhacay.
Tilmaanta safarta Quraysheed:
Hantiilayaashii Quraysheed waxay ku talagaleen in safarku faaido badan u keeno , sidaa darteed waxay galiyeen hanti badan oo gaaraysa 50,000 oo Dinaar , Awrta sidda safarta waxaa lagu qiyaasaa 1,000 Rati, waxaana hantida ugu badan lahaa Reer Saciid Binu Al-Caas.
Wararkii dagaalka oo gaarey Safartii
Warkii ahaa in Muslimiintu ay rabaa inay la wareegaan hantida Qureysh ayaa wuxuu gaaray hogaankii safarka Abu Sufyan Binu Xarbi , waxaana ku weheshay safarka rag 30 ilaa 40 lagu qiyaasay, waxaa ka mid ahaa Makhrama Binu Nawfal iyo Camr Binu Al-Caas, Nabiguna ﷺ wuxuu Muslimiinta u sheegay inay xoolaha u baxaan , waxaaba laga yaabaa in Alle S.W uu gacanta u soo galiyee. Wararkii Musliimta markii ay gareen Abu Sufyaan , ayuu wuxuu kireystay Damdam Binu Camr Al-Qafari si uu Quraysh uga dalbo inay u gurmadaan hantidooda ku socota gacanta Maxamed ﷺ iyo asxaabtiisa.
Warkii oo Quraysh gaaray:
Markii warkii uu gaaray Quraysh ayay biloowday inay diyaarsato rag iyo saanad dagaal, iyagoo oranaya Maxamed ma waxa uu u maleeyay safartayada in loola wareegi karo sidii safartii ina Xadrami, waxayna waajib ka dhigeen in qofkii kahara dagaalka badalkiisa la rabo, odyaashii Quraysh cidna kama dib dhicin dagaalka marka laga reebo Abu Lahab oo badalkiisa dirsaday Al-Caas Ibnu Hisham Ibnu Muqiira oo uu xoolo ku lahaa.
Xaaladda Muslimiinta dagaalka u baxday:
Waxay sheegaan kutubta siiradu in Musliimntu ay ka bexeen magaalada Madina 8-Ramadan , magaalada Madina Nabigu ﷺ wuxuu masuul uga dhigay Abaa Lubaaba, salaadana wuxuu amray inuu dadka tujiyo Cabdullaahi Binu Ummi Maktuum.
Muslimiintu kuma aysan talogalin dagaal sida aynu horey u soo sheegnay, hase yeeshee wararka sirdoonka ciidanka Islaamka ayaa sheegay in xaaladdu ay sidaas ka duwan tahay, sidaa awgeed nabigu ﷺ wuxuu bilaabay in uu la tashado asxaabtiisa , waxaana hadlay Muhaajiriin oo ay ugu horeeyaan Abukar iyo Cumar, kadibna waxaa istaagay Miqdaad Binu Aswad wuxuuna yiri hadal micnihiisu ahaa in ay diyaar u yihiin lajirka nabiga , aysanna kaligiis u direyn dagaalka.
Nabigu ﷺ wuxuu mar kale la tashaday asxaabta , isagoo oranayey “Dadoow ila taliya”, Sacad Binu Mucaad ayaa yiri rasuul allow malaha annaga ayaad noola jeedaa. Nabigu ﷺ wuxuu yiri “Haa” , markaas ayuu Sacad sheegay in Ansaari ay nabiga rumaysay , diyaarna u tahay dagaalka ayna yihiin kuwo dagaalka ku sabra runna ka sheega marka uu yimaado.
Nabigu ﷺ wuxuu ku yiri asxaabtiisa “ Socda oo bishaaraysta , Ilaahay wuxuu ii ballan qaaday laba middood, Wallaahi waxaadba moodaa in aan arkayo halka Quraysh rageeda lagoglayo”.
Dhammaad Qaybta 1aad.
Tixraac:
- Al-Raxiiqul Makhtuum
- http://www.amana-md.gov.sa
- http://ar.islamway.net
- http://islamstory.com
W/Q: Cabdiraxmaan Ibraahim Diiriye
E-mail: [email protected]