Safarkan oo Qaatay In Ka Badan Asbuuc Ayey Mu’asasada ugu Kuurgalaysay Xaaladaha Dacwadeed, iyo nolol ee ka Jira Magaalooyinka ka Durugsan laamiga iyo Kuwa Wada Laamiga dhaca .
Safar Dacwadeedkan oo ay mu’asasadu mudo diyaarinaysay in uu qabsoomo ayaa Waxaa kaqayb galay maamulka mu’sasada alminhaaj bari Qaar ka Mid ah Culima udiinka iyo Ducaada Waxaana ka Mid Culimadii Ka Qayg Qaadatay:
Sheekh Cabdiraxman Maxamed dhowre( Bukhaari) sheekh Cusmaan Maxamud Dirir Sheekh Maxamed Axmed faarax(Dabiixi) Sheekh Xasan Dheere iyo ustaad Xassan Cabdlla sh. Xassan iyo ustad ismacil maxed yusuf.
Safarkan oo lagu kala Bixiyey Deegaano badan oo laamiga ka fog iyo kuwa saaranba ayaa Waxaana magaalooyinkii iyo tuuloyinkii latagay: kalabayr ,kobdhexaad, degmada ufayn,barako,dhargaale, Degmada isku shuban ,xiriiro, degmada carmo,Degmada Waaciye sheerbi, Magaalooyin kale .
Intii Lagu gudajirey Safarkan Dacwo Waxa Magaalo Walba laga Qabanayey Shaqooyin Dacwadeed oo iskugu jira: Muxaadarooyin , Dacwa shaaric , Nadwooyin , Fataawa , iyo Kulama Diimeed Waxa kale oo ay Culimadu Kulamo la yeesheen inta badan qaybah Bulshada Sida: Maamulka degmooyinka,Odayaasha Dhaqanka ururada dhalinyarada ,dumarka ee Degaamadaas.
Waxaana kulamadaa dhammantood lagaga Hadlayey Ka kudhaqanka diinta ,kashaqaynta islaaxinta iyo heshiisiinta bulshada walaalaha ah iyo Hormarintoodaba .
Sikastaba ha ahaatee deegaanadaas ay culimadu booqatay ayaa waxaa ka jiray dhibatooyin ay ugu ay ugu weyntahay : colaad iyo kalaqoqobnaan haysatay deegaankaas ,iyo baahi diimeed iyo jahli.
Ugu damayntii safarkaan ayaa kusoo gabagaboobay waji aad uwanaagsan iyo guul.