+252 90 7798232 [email protected]
1Hay’adda Islamic Relief Organization ee ka howlgasha Wadanka Sacuudiga Arabiya aya wada qorshe ay deeq cuno gar gaar ah ugu qeybineyso dadka Masaakiin iyo Danyar ah oo ku nool Degaanada Puntland.
Howshan qeybinta Cunada Gar gaar ka aha aya waxaa fududeynaya  Mu’asada Al minhaaj Puntland oo dadkan sidii loo soo xuli laha gacanta Kuhaysay.
Muhiimada loo qeybinayo Cunooyinkan ayaa waxa lagu sheegay in ay tahay mid la doonayo sidii lagu caawin lahaa Dadkan oo qeybtood ay saameyn xoog leh ku yeesheen Abaaro Dadka iyo Duunyadda Sameeyay ee ka jira qeybo ka mid ah Degaanada Puntlanmd.
Sidoo kale Cunooyinka loo qeybinayo Dadkan aya waxaa ka Mid ah Bur,Bariis,Sonkor iyo Salid waxaana loogu talagaly in Maalmaha ay Cunooyinkan isticmaalayaan Noloshooda wax ka badali doonto.
 Dadka loo qeybinayo cunooyinkan ayaa Waxay isugu jitraan Masaakin,Danyar,Barakacayaal,Agoomo iyo Waayeelo laga soo kala xuluay Xaafadaha iyo Xeryaha Dadka soo barakacay eek u yaala Magalada Garowe.
Maxamed Cabdullahi Cabdulle oo ah  Madaxa Hogaanka Mu’asasada Al minhaaj Puntland ayaa sheegay in Dadkan Cunooyinka loo qeybinayo tahay mid aad loogu han weynaa si weyna loogu baahnaa Madama Xaalado Adag oo dhanka Nolosha ah ay xiligan Puntland ka jirto.
Xoghaya Dowladda Hoose Ee Degmada Garowe Cabdiqafaar Abdirahman Shiekh ahmed ayaa u Mahad Celiyay Hay’ada Islaamiga ah ee Dalka Sacuudiga wuxuuna sheegay in waqti loo baahnaa Cuna qeybinta lagu soo beegay.
Madaxa Hay’ada Islaamic Releif ee Degaanada Somalia ayaa talabadan soo dhaweyay wuxuuna sheegay in dadka deeqda la siiyay cunada wax weyn ka tari doonto Noloshooda.
Maalmaha soo socda ayaa deqdan waxay qeybinteeda ka socon doonta degaano iyo Magaalooyin ka tirsan Puntland.