Mu’asasadda Alminhaaj ee Dacwadda iyo Horumarinta ayaa raashin u qaybisay qoysas danyar ah oo ay saamaysay jiilaalka ka jira deegaanadaas , waxaana qoysasku ay gaaraan ilaa iyo 700 oo qoys .
400 oo kaamida qoysaskaas ayaa loogu qaybiyay barxadda wayn ee hoolka tuuladda qarxis oo hoostagta Degmada Ayl , iyadoona sidoo kale 300 ooqoys loogu qaybiyay Tuuladda uusgure .
[nggallery id=13]
Raashinkaan ayaa waxaa muasasadda Alminhaaj soo marsiiyay Ha’adda Gargaarka islaaamka ee caalamiga ah Xamla Sucuudiya , Qoyskiiba waxaa lasiiyay Haaf bur ah ,Haaf bariis ,Joodhaa sonkor ah iyo caagad saliid ah .
Gudoomiyaha Guud ee mu’asadda alminhaaj ee Puntland Shiikh Maxamed Cabdulaahi Cabdulle ayaa ku tilmaamay gargaarkaaan Alminhaaj lasoo marsiiyay mid muhiimad u leh Iyaga wuxuuna afka ku balaariyay in ay sii wadi doonaan in ay dadka la wadaagaan xaalad kasta .
Xafiiska Warbaahinta Alminhaaj Gobalka Nugaal