+252 90 7798232 [email protected]

Tababarkaan Ayaa kabilowday Masjidka Al-Huda Garowe Waxaana Bixinayay Culimada Wax kabarata Machadka Sare Ee Soosaara Ducaada Oo Ku yaal Magaalada Hargaysa Kuwaas Oo Fasax Kujooga Garowe Ayaa  Umada walaalahooda Mudada ay joogaan garowe Iyo Meelaha lamida   waxay balan ku qaadeen in ay  bulshada gaarsiin doonaan waxay soo barteen oo khayr ah .[nggallery id=14]

Furitaanka Xaflada waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin  Dowlada Puntland horay Xilal Uga soo qabtay  Iyo Kuwa Hada Ka ah Masuuliyiin  / Culima Awdiin/ Isimo Iyo Maamulka Mu’asasada Alminhaaj Gobolka Nugaal .

Dhamaan Mas’uuliyiintii Kahadlay Xaflada ayaa uga mahad celiyay Culimada isku howshay  in ay bulshada gaar siiyaan Khayrkii ay soo barteen .

Mu’asasada Alminhaaj Nugaal gaar ahaan Xafiiska Tacliinta  oo isagu Sooqaban qaabiyay  Tababarkaan ayaa Uga mahad Celiyay  Dhamaan Kasoo qayb galayaasha Xafladda Iyo Macalimiinta  Bixin Doona Tabaarkaan

Ugu Danbayn Sh Mukhtaar Oo Ah Gudoomiyahay  Golaha Fulinta ayaa Balan qaaday in Minhaaj ay siiwadi Doonta Tababara Cayn kaan oo kale ah iyo in bulshada looga faa iideeyo Cidkasta oo khayr u sheegaysa .

Nuur Jaamac Aadan

Xafiiska Warbaahinta Al-Minhaaj Puntland