+252 90 7798232 [email protected]

Mu’asasada Al-minhaaj Xafiiskeeda Gobolka Nugaal ayaa Arday gaaraysa 102 arday oo iskugu jira Agoon Iyo Danyar waxay u qaybisay Dhamaan Agabka Wax lagu Barto Sida  Dharka /Buugaagta /Qalimaan waxaana Mu’asasadu Ardaydaan kasoo kala xushay Intabadan Goobaha Waxbarashada waxayna Maamulada Gobahaas Ay Mu’asasada Kaabalan Qaadeen In aysan Caruutaan Iskugu Jita agoonta Iyo Danyarta Aysan Kaqaadi Doonin Lacagta Bil Laha ah .

Gudomiyaha Golaha Fulinta  Mu’asasada Alminhaaj Sh Mukhtar Axmed ayaa sheegay  In Dhankooda ay Balanqaadayaan  sidii ay  Sanadwalba   Ugacaawin lahaayeen Dhamaan Agabka waxbarasho

Intaas kadib Mu’asasada Alminhaaj waxay Daah furtay labo Mashruuc oo ah kuwii Ugu horeeyay ee abid laga furo Somali waxayna kala ahaayeen  Mashruuc (Tusmo) ee kobcinta Hooyada waana Ololle Hooda wax lagu barayo waxaana Halkudhigiisu Yahay Horu marinta Hoyadu Waa Hanaqaadka Bulshada  waxaana Minhaaj U qorshaysan In Sanadwalba 100Hooyo Waxlabaro Iyagoo laga caawinayo Waxbarashada Bilowgeeda Ilaa Heer Jaamacadeed .

Ugudanbayntii waxaa Isna Ladaah Furay Mashruucii Labaad Ee (Beeytu Sadaqa ) Ee  Kaydinta Iyo Qaybinta Sadaqada waana Mashruuc Dadka Wax haysta lagaga aruurinayo Sadaqada Islamarkaana Loogu Qaybinayo  Fuqurada  .[nggallery id=19]

Xafladaan Oo Ahayd Mid Balaaran waxaa kasoo qayb galay Mas’uuliyiin Kaladuwan waxaana kamid ahaa

  • Godoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal
  • Sh Aadan Ciise Gaadaale oo qayb weyn kaqaatay aruurinta Lacagtaan
  • Sh Dalmar Guureye Kaarshe Gudomiyaha Golaha Shuurada Alminhaaj
  • Madaxa Mashaariicda Heer Puntland Ciise Maxamed Cali
  • Maamulada Schoolada
  • Waaridiintii Dhalay Caruurta

Waxayna Dhamaan Mas’uuliyiintii Koobta Kahadlay ay Qireen  In Minhaaj ay Soo bandhigtay waxqabad  Lagarabay  In Dowlad Weyn ay  Bulshadeeda Uqabato Balse Mu’asasada Al- Minhaaj Iskuxilsaartay  Shaqadaan Balaaran.