Masjidka Al-Huda Magaaladda Garowe waxaa laguqabtay Xaflad balaaran oo lagu sharfayay 60arday oo baratay kutubta Gundhigga u ah barshada Shareecada qaybaheeda kaladuwan Sida Xadiiska/Caqiidada /Fiqiga /Adabka .
Xafladdan oo ay soo buuxdhaafsheen boqolaal Arday Iyo Waaridiin ah waxaa kasoo qaybgalay Maaxda Sare ee Mu’asasada Alminhaaj Nugaal \Isimada Dhaqanka\Sheekhii Waxsoobaray Ardayda .
[nggallery id=20]
Ugu Horayna waxaa goobta kahadlay Sh.C/risaaq Dahabi isagoo warbixin kadhiibay Goobaha ay kakalayimaadeen ardaydaan Iyo Muadii ay kujireen Xalaqaadka Cilmiga shareecada lagu Barto .
Dhamaan Mas’uuliyiintii goobta kahadlay ayaa qiray baahida loo qabay in lahelo arday Da’doodu in tass le’egtahay oo bartay kutubtaan .
Ugudanbayn tii waxaa Xafladda soo xiray Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj Gobolka Nugaal Sh Mukhtaar Axmed Faarax Waxaana uu qiray in ay soo baxeen Mirihii ay ku tabcaysay Minhaaj waxaana uu u mahadceliyay Sh C/risaaq dahabi oo ah sheekii Gcanta ku hayay Mudadii ay Ardaydaan Wax baranayeen isagoo waaridiinta garowe ugu baaqay in ay Awlaadooda Geeyaan goobaha lagu barto Shareecada Islaamka Si ay Uga Badbaadaan Dhaqamada Xun .
Nuur Jaamac aadan
Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Alminhaaj Nugaal
Email: [email protected]