Mu’asasada Minhaaj G.bari ayaa Waxay ka Bilowday Gudaha Magaalada Boosaso Olole Dacwadeed.
Ololahaan oo ujeedkiisu ahaa Wacyigelinta Bulshada Qaybaheeda kala duwan
ayaa waxaa kamid ahaa Howihii ay kakoobnayd :
[nggallery id=36]
1- Kalmado Laga Soojeediyey 12 Iskool2-Dacyo Shaarciyo Lix ah 3-Toban Muxaadarooyin guud
Ololahan oo ahaa kii Saddexaad ee Mu,asasada Minhaaj faraca bari Abaabusho ayaa Waxaa Lagaga Hadlayey ‘Saamaynta Macaasidu Bulshada Ku leedahay “
Xamladan oo Wajigeeda Kowaad Ku Saabsanayd ‘Dulmiga iyo Dhibaatooyinkiisa’ ayaa Waxaa Ka Mid ahaa howlihii laqabtay Nadwo kooban oo kadhacdey Masjidka “Darayle “ee Ku Yaal Suuuqa Weyn Magaalada Boosaso.
Nadwadan Waxaa Soojedinayey :1. Sheekh Axmed Dahir 2- Sheekh Maxamed Macalin Axmed
Culimadu Guud ahaan Waxa ay bulshada uqeexeen noocyada dulmiga ,qaababka uu uu udhaco iyo raadka xun ee uu reebo waxay ka Digeen Dhulmiga qaybihiisa oo dhan .
Waxaa kale oo habeenkii jimcada ahayd Dhacday Muxaadarooyin Dhowr oo ka Kala Dhacay inbadan oo kamid ah Masaajidda magaalada.
Sikastaba ha ahaatee ololahan ayaa Kusoo Beegmay Xilli ay Ka Jiraan Abaaro ba,an Guud ahaan Deegaanada Soomaaliyeed Taas oo Loo Sababaynayo Dhulmiga iyo Macaasida.
Ugu danbayntii Ololahan Dacwadeed oo Wajigiisii Hore Lasoo Gabagabeeyey Asbuucan Ayaa Waxaa Loogu Talagalay Muddo Bil ah iney Socoto.