+252 90 7798232 [email protected]

Gudiga Culimada ee Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa ay u howl galeen in ay gargaar u fidiyaan dadka Soomaaliyeed oo ay halakeeyeen Abaaruhu iyagoo arrinkaas la kaashanaya waxgaradka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibada Soomaaliyaa waxaan ay cyulimadu sameeyeen gudiyo dhowr ah oo socdaalo gargaar iyo Biyo Dhaamis ka sameeyay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Bari , Gobolka Sanaag, Gobolka Sool iyo weliba Gobolka Mudug.

Gudiga Culimada ee Gurmadka Abaaraha ayaa u dhabaray adeegay in wixii tabar tooda ay la gaaraan dadka abaaruhu ay ku dhufteen ayna ka dhamaadeen xoolaha haddan ay dadku u geeriyoonayaan cunto iyo biyo la’aan
Guddiga gurmadka abaaraha ayaa Labo kooxood oo ka mid ah guddiga ayaa u kala ambabaxay gobolka Sanaag iyo Degmada Purtinle, qaybta Sanaag ayaa waxaa hoggaaminaya Sh.Cismaan Maxamuud X.Dirir iyo Sh.Ciise Beersedxshe, qaybta Burtinle waxaa hoggaaminaya Sh.Maxamuud X.Yuusuf iyo Sh.Yaasiin C/llaahi.

Guddiga ayaan marna ka fariisan biyo dhaanka miyiga iyo tuulooyinka ooman, jiilaalka ayaa maalinba maalinta ka dambaysa soo adkaanaya, waxaan Allaah ka baryaynaa raxmad degdeg ah oo waasic ah. Sh Fuaad Xaaji Nuur oo ka warbixiyey deegaanada ay u kuurgaleen dadka iyo duunyada abaartu halakaysay xaaladdooda una qaybinayna biyo dhammaan gaar ahaan gobolka Mudug Ciid iyo Cadduunba, ayaa shegay in ay soo mareen dhulka u dhexeeya Gaalkacyo, Bayra, Bursaalax, Galdogob, Axmedkhayr, Foodyacadde, Daarusalaam, Xarfo, Labaalayaal, Isgoys, Beerdhagaxtuur, Tuulo xabiibo, Roox intaasi waa ciidka, xagga Caddunka Gaalkacyo, Jeexdin, Duddun, Ceelbar daale, Guuca, Buubi, Ballibusle, Seemade, Jirriiban, Towfiiq, Dhinawda, Garacad, Ceelmareer, intaasina waa Cadduun iyo xeeb, xagga kale Sallax, Qalaanqal, Balambal iyo Malaasle intaasina waa Sanaag iyo Daalandoolle, Xagga kale Dhoobocantuug, Labilammaane, Khuurile, Mayle, Shakaal, Shillabxaraaere, Berricad, intaasina waa hawd.

[nggallery id=48]

Hooska daawo Muuqaalka

Nuur Jaamac Aadan  Alminhaaj Puntland 

[email protected]