+252 90 7798232 [email protected]

Xafladaan oo ahayd mid balaaran islamarkaana lagu maamuusayay 9arday oo dhameeysay qur’aanka kariimkaa Iyo 15 arday oo Cilmiga Xalaqaadka Ee Kasocda Tuulada Kalabayr  Kabartay Kutub Diini ah.

Xafladaan waxaa kasoo qayb galay Madaxda Mu’asasada Al-Minhaaj Ee Gobolka Nugaal/ Isimada Dhaqanka/ Waaridiin Iyo Marti  Sharaf kaloo badan waxaana  ugu horaynba goobta kahadlay Macalimka Ardaydiisu Qur’aanka Dhamaysay Sh Cabdirisaaq Xaashi Cali  Iyo Sheekh Maxamed Cabdullahi Maxamuud oo ah  Sheekha Xalaqaadka Cilmiga Shareecada Islaamka Kamariya Maglada Kalabayr .

Sheekh Dalmar Guuruuye Iyo Sh Mukhtaar Axmed Faarax oo ah Madaxda Labada gole ee Mu’asasada Alminhaaj Gobolka Nugaal Ayaa siwadajir ah u soo dhaweeyay Dadaalka Barakaysan ee reer kalabayr ay Ku karaamaynayaan Kitaabka Allah.[nggallery id=56]

Ugu Danabayntii Waxaa ardayda lasiiyay Abaalmarimo kaladuwan intas kadibna waxaa kafladda soo Xiray Suldaan Siciid Maxamed Garaase  isgoo Suldaanku U duceeyay Cidwalba oo gacan kagasatay Xafladaan gaar ahaan Culimadii Waqtiga Dheer Ku baxshay Sidii loo sharfi lahaa Eebe Kalaamkiisa.

Nuur Jaamac Garowe