Nadwadaan oo halku dhigeedu ahaa soodhawaynta Bisha ramadaan ayaa lagu qabtay Masjidka Weyn ee Al-Huda Garowe Nadwadaan oo socotay Hal habeen ayaa lahayd Faa iidooyin Badan Waxayna Timid Waqti Ku haboon Dadkuna ay u baahnaayeen Baraarujin Iyo U sheegid Waxyaabaha Muhiimkaa ee Layska Doonayo Bisha Ramadaan.
Sh Suldaan Cabdiqani Qorane ayaa ugu horaynba soojeedshay Axkamata Bisha Ramadaan Isaga Oo Waliba Siwanaagsan U Kaladhiga .
Intaaskadibna Sh Maxamuud Xaaji Yusuf Ayaa isna soo Jeedshay Fadliga Bishaan Waxaana sheekhu Bulshada Dhinaco Badan KaTusay Fadliga Ramadaan
[nggallery id=58]
Sh Axmed Cabdi Samadam Oo Kalimada ugu danbaysay Kuqornaa Waxaa uu sixeel dheer Usoo jeedshay Talooyin Ku aadan Sidii Looga Faa Iidaysan Lahaa Bisha Barakaysan Ee Ramadan.
Ugu Danbayntii Culimadii Soodiyaarshay Mowduucaan Ayaa usoo diyaariyay Si ay ku dheehan tahay aqoon iyo Waaya aragnomo buuxda Taas oo sababtay In Dhamaan Bulshadu Sidhamaystiran U fahmaan Axkaamta Iyo Fadliga Ramadaan.
Nuur Jamaac Aadan Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj