+252 90 7798232 [email protected]

Gudiga sare ee Jimciyadda wanaag farridda iyo xumaan reebidda Puntland oo Garoowe shir jaraa’id ku qabtay ayaa ugu baaqay walaalaha Muslimiinta ah inay ka qayb qaataan afurinta walaalohooda aan awoodin inay afuuraan ee Garoowe ku sugan.

Sheekh Yaasiin iyo Sheekh Maxamed Xamari oo kamid ah gudiga Jimciyadda ayaa waxa ay soo bandhigeen qaabka loo quudinayo walaalaha la afurin doono sanadkaan, ciidsiinta dadka tabaalaysan iyo agoonta iyo qaybinta sakada.

Hoos ka Akhriso baaqa Jimciyadda wanaag farridda iyo xumaan reebidda

AFURI WALAAKAAGA SOOMAN

Ma ogtahay ajarka laga helo marka la afuriyo qof sooman ?

Haa ; markaad afuriso qofka sooman waxaad leedahay ajarkiisa oo kale

Hadaba ku afuri walaalkaaga sooman  maalintii  Malitii $ 3doolar

Dhammaan Muslimiinta jecel in ay la baxaan hantida Alle siiyey bisha barakaysan ee Ramadan, dhammaan dadka jecel in ay afuriyaan walaalahooda  a Sooman ,oo aan haysan waxay ku afuran  Waxaa lala socodsiinayaa in Jamciyadda alamrubilmacruf  wannahi canilmunkar ay qorshaysay in ay uruuriso lacagaha iyo raashinka ay bixinayaan walaalaha jecel inay ka qayb qaataan afurinta walaalahooda sooman oo aan haysan waxay ku afuraan bisha Ramadan ee barakaysan, qorshahaan waxay jamciyaddu samaysaa sanad kasta waxaana loo yaqaan “AFURI WALAALKAAGA SOOMAN”. Malitii $ 3doolar

Haddaba walaalaha danaynaya inay Alle ugu dhawaadaan afurinta walaalahooda sooman waxay ku soo aadin karaan lacagta ay la baxayaan:

Ama  Golis     account    =   401229            account =    E dahab         44844

. ama sahal  7744524 / 7724462 / 7746674

Ama  akoon   -676977-                             dahabshiil -1831

Walaalayaal, innaga oo dareensan ajarka faraha badan oo la gahelayo afurinta walaalkaaga  sooman   ayaa waxaa laga codsanayaa walaalaha in ay qayb lixaadle ka qaataan shaqadan

Jamciyaddu waxay diyaarisay sidoo kale dhammaan agabkii, qalabkii ay ku afuri lahaayeen dadkaasi, iyadoo sidoo kale diyaarisay dadkii raashinka samayn lahaa iyo xarumo loogu talagalay inay dadkaas ku afuraan.

Wixii faahfaahina oo arintaan ku saabsan waxaa laga xiriiri karaa guddiga hawsha oo kala ah:

  1. Yaasiin Cabdullahi Cali 7 724462
  2. Jaamac Siciid 7 754585
  3. Maxamed Xamari 7 746674
  4. farax cabdi jamac 7746375
  5. Sh,Cabdi xirsi cali botaan                           7746832

Email   [email protected]   00252-5-843583

Hooskadaawo>