Tartankaan oo ah mid sanadwalba Bisha Ramadaan looqabto ardayda Qur’aanka Kabarata Garowe ayaa maantay lagusoo afmeeray Masjidka Al-Huda ee Magaalda garowe .
Ardada maantay lagu dhawaaqay in ay u tartamidoonaan tartanka qur’aanka ee heer puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalda garowe uga socda tartan lagu kala reebayo heer kooda aqooneed iyo Sida ay U Xifdisan ihiin Qur’aanka.
Ardaydaan ayaa ku kala tartamayay heerarka kaladuwan ee qur’aanka waxay kakalasocdeen 18 dugsi waxayna dhamaayeen 95 arday waxaana ugu dan bayntii soo baxay Ardaydii Kaalimaha 1aad -2aad-3aad Kagalay 30jus/20jus/10jus Iyo 5jus waxaana dhaan ardadaani wajiyadooda kamuuqday farxad iyo raynran maadaama lagu doon siiyay abaalmarimo kaladuwan oo qaali ah.
[nggallery id=60]
Xafladaan oo ahayd mid balaaran islamarkaana ay kasoo qayb galeen Xubno kasocda wasaarada Cadaalada /Wasaarada Wabarashada / Gudoonka Waxbarashada ee gobolka nugaal / Madaxda Sare ee Mu’asasada Alminhaaj /Gudigii Tartanka /Culima Awdiin/Odayaal Iyo Waliba Marti sharafkaloo badan. Waxaana Xadladda laga jeedshay qudbado aad muhiim ugu ah ardayda Iyo Cidwalaba oo barata Qur’aanka Kariimkaa.
Ardada u soo gudubtay Tartanka Gobolada ee ka socota Magaalada Garoowe
Nooca Tartanka | Kaalinta | Degmada | Magaca Dugsiga | Magaca ardayga | LR |
Heer Puntland | 30 jus | Garoowe | Maka al-mukarama | Maxamed Daahir Maxamuud | 1 |
Heer Puntland | 20 Jus | Garoowe | Al-aqsaa | Maxamed Faysal Maxamed | 2 |
Heer Puntland | 10 Jus | Garoowe | Bader | C/maalik Maxamed Maxamuud | 3 |
Heer Puntland | 5 Jus | Garoowe | Al-aqsaa | Maxamed Sayid Maxamed | 4 |
Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Alminhaaj .